berberatoday.com
Madaxweynaha Iran oo Si Adag Uga Hadlay Dilka Hogaamiyihii Xamaas Ismaacil Haniyah oo Dalkiisa Lagu Dilay
July 31, 2024 - Written by admin

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in ay Israa’iil ka shallayn doonto “dilkii fulaynimada ahaa” ee Haniyah, isaga oo intaa ku daray in Iran ay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed, iyo sharafteeda.

Bayaan ay soo xiganeyso wakaaladda wararka ee AFP ayuu madaxweynaha Iran ku tilmaamay Haniyah inuu ahaa hoggaamiye geesi ah.

Hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu ahaa dalka Qadar ayaa booqosho ku tagay Tehran si uu uga qayb galo dhaarinta madaxweyne Pezeshkian.

Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sidoo kale sheegay in aargoosiga dilkiisa ay tahay “waajibka Tehran”, isagoo intaa ku daray in Israa’iil oo aan sheegan mas’uuliyadda kasbatay sababaha “ciqaab adag”.

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa magaalada Tehran ee dalka Iran kula kulmay Ismaaciil Haniyah hoggaamiyihii kooxda Falastiin ee Xamaas kulankaas oo dhacay shalay oo Talaado ahayd.

Xamaas oo aad uga argagaxday geerida hoggaamiyahoodii Haniyah

Rushdi Abualouf, oo ah weriyaha BBC-da ee Qasa oo hadda ku sugan London, ayaa sheegay in Haniyeh ay dad badan u arkeen inuu yahay “hoggaamiye waaqici ah”.

Waxa uu sheegay in Haniyah uu Tehraan booqday 10 ilaa 15 jeer tan iyo markii uu noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda lix sano ka hor, “waa in uu dareemay ammaan uu halkaas ku aadayo”.

Wariyaheena ayaa sheegaya in uu saaka la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan ururka Xamaas, isla markaana ay ku jireen xaalad naxdin leh, iyagoona faahfaahinno kala duwan ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews