berberatoday.com
SAFARKII SEYLAC SOCDAAL XUSUUSTIISA LAHAA 14-15 OGOS 2008. Qormadii 1aad Qalinkii Cali Mahad Yuusuf
August 15, 2024 - Written by admin
SAFARKII SEYLAC
SOCDAAL XUSUUSTIISA LAHAA 14-15 OGOS 2008.
Qormadii 1aad
Qalinkii Cali Mahad Yuusuf
Amin ku Siman 7:20 Fiidnimo ee 13.8.2008 ayaanu ka dhaqaaqnay Kaalin Dhinaca ku haysay Huteelka Yaxye ee Mag B/bera.
oo aanu Shiidaal kaga shubanay Baabuurkii aanu wadanay oo Noociisu ahaa Surf.
Waxaanu cagta saarnay Laamiga dhinaca Hargeysa u baxa.
Safarkayagu oo ku sinaa Ilaa Magaalada Zeylac iyo Jasiirada Sacaada-diin oo aanu kasoo duubaynay Filim documentary ah oo Khayraadka Badda ku saabsanaa
Dhalinyaro qurba joog ah, oo Khaalid Xasan X. Maxamuud madax u ahaa.ayaana maalgeliyey Filimka
Waxaanu ka koobnayn Lix Xubnood oo kala ahaa
1-Cali Mahad (Aniga)
2- Maxamed Rooble Diiriye (Ina Dalqan) (wadaha Baabuurka)
3-Cabdikariim Siciid Saalax,
4- Alaah haw Naxariistee Cabdikariin Cartan Guush.
5- Alaah haw Naxariistee C/laahi Jaamac Dalmar (Gudhubaa)
6-Maxamed Bidhiq,
Intii aanu sii soconay Laamiga dheer Jawigayagu wuxuu ahaa mid degan,
Akhyaarta aanu safarka ku wada jirnaana waxaa laga sinaa Xiisaha aanu u haynay Aragtida Magaalada Taariikhiga ah ee Zeylac.
Cid hore u aragtay oo naga mid ahina ma jirin, Balse Sheekada qubanaha ah ee Ninba in ka hayay ayaa aad u badnayd.
Markii aanu gaadhnay Magaalada Dacar budhuq ayaanu waddo dhinaca waqooyi uga baxda u baydhnay ilaa Deegaanka Bula-xaarna Jidku aad buu u wanaagsanaa.
Inkastoo meelaha qaar Bacaadka iyo ciida xeebtu budul aad u jilicsan noqdeen si fudud baanuse ku dhaafnay.
Masaafada u dhexaysa D/budhuq ilaa Bulaxaar waxaa u kala bixi jiray Baabuur
Xaajiyado iyo Toyoteyaal daqash ah aadna u duugoobay Markay soo socdaana guuxa iyo sanqadha ka baxaysa aad ka yaabayso.
Waxaase Cajiib ahayd Xirfada Dareewalada Gawaadhidaasi oo aan waxba u aqoon Bacaadka iyo Ciida Dooxyada ee Wadooyinkaas.
Intaanaan soo gaadhin Degmada Bulaxaar waxaanu kayn Magaalada u dhow ku aragnay Awr Keligii meel iska Fadhiya,
Waxaanay ka fursan weyday inaanu Xawaaraha baabuurka kordhino si aanu uga war geyno Magaalada, Awrkaa Halista ugu jira Dugaaga iyo bahalaha
Balse markii aanu Bulaxaar Isa soo taagnay ee aanu warkii siinay ayaa naloo sheegay In Awrku kamid yahay Geel dibood ah oo aan la xerayn cidladaana u hoyda Waraabaha Deegaankuna aanu ku dhicin
Sidii ayaanu kaga dhaqaaqnay Caways dambe oo habeenimo ayaanu gaadhnay Ceel sheekh . halkaas oo aanu habeenkaas Seexanay,
Subaxiina intaanu goor hore ka quraacanay. ayaanu ka kalahnay Balse waxaa naloo sheegay hadaan wax kale nagu dhicin in Duhurka dabadiisa aanu gaadhi karno Zeylac.
La Soco……

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews