berberatoday.com
Prof Mawliid Muumin Oo Qodobeeyey Sida Ay Somaliland Ugu Hungowday Xisbigii KULMIYE Iyo Siyaasadda Qaran-Jabka Ah Ee Uu Maanta Ku Socdo
August 7, 2016 - Written by Berbera Today
Prof Mawliid Muumin Oo Qodobeeyey Sida Ay Somaliland Ugu Hungowday Xisbigii KULMIYE Iyo Siyaasadda Qaran-Jabka Ah Ee Uu Maanta Ku Socdo

“Waxaa Keenay In Aannu WADDANI Ku Biirno Markii KULMIYE Qaaday Jid Qodxo Iyo Hadimo Badan Oo Qarankan Hagardaamo Ku Ah” Prof. Mawliid

Hargeysa(Berberatodayt.com)-Professor Mawliid Maxamed Muumin oo ka mid ah aqoonyahanka Ruug caddaaga ah ee Jaamacadaha dibadda wax ka dhiga kana mid ahaan Aqoonyahanka Maskaxda iyo waayo aragnimada la daba taagnaa kuna soo dhisay xisbiga KULMIYE iyo siyaasiyiin kala duwan oo uu hogaaminayo ayaa dorraad Khamiistii waxa ay si mug leh cududdooda ugu soo biiriyeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI kadib markii Aqoonyahanka iyo siyaasiyiintaasi kale si weyn uga gilgisheen xaaladda Xisbigii KULMIYE iyo siyaasadda wakhtigan dalku ku socdo oo ay u arkeen in halka lagu badbaadin karaa tahay iyaga oo cududdooda iyo maskaxdooda ku biiriya Xisbiga WADDANI.
Professor Mawliid Maxamed Muumin oo ka mid ahan jiray hormuudka Aqoonyahanada musdambeedka xisbiga KULMIYE wax badana ka soo qabtay xisbigaasi waxa uu sheegay in doorashada uu ku doortay isaga iyo saaxiibaddii in ay kaga mid noqdaan WADDANI keentay markii ay arkeen halka uu maray xisbigoodii KULMIYE oo uu Professorku ku sheegay jid qodax badan oo waddanka halis weyn galiyey, kaasoo loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo.
Professor Mawliid Maxamed Muumin oo la hadlayay boqollaal taageerayaashiisa ah oo ku soo biiray xisbiga WADDANI xaflad ballaadhan oo Khamiistii ka dhacday Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Waxaan ugu horrayn u mahad naqayaa Ilaahay SWT innoo suurto galiyey in aan xafladdan ballaadhan ee qiimaha badan isugu nimaad waxaanan sidoo kale u mahad celinayaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo Insha Allaahu noqon doona Madaxweynaha Musatqbalka, waxaanan sidoo kale u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha iyo siyaasiyiinta maanta xafladdan soo cammiray ee aannu ka soo wada digo rogannay Xisbigii KULMIYE. Waxaan mahad ballaadhan iyo abaal weyn u hayaa una celinayaa dhammaan inta sidan noo qiimaysay ee nagu soo sharaftay ee nooga soo hiilisay goobtii madoobayd (KULMIYE) ee aannu ka soo guurnay”.
Professor Mawliid Maxamed Muumin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Walaalayaal aniga iyo raggaa aannu wada soconay ee siyaasiyiinta ah iyo taageerayaashayadaasi ciidda ka badan waxaannu idiin sheegaynaa in aannu maanta laga bilaabo ku soo biirnay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Waxa aannu walaalayaal ka soo guurnay Xisbul Xaakimkii KULMIYE. Waxa la is waydiin karaa xisbigii aannu intaa soo dhisnay ee aannu xoog iyo xeeladba galinay maxaan uga soo guurnay?, anaa jawaabteeda idiin hayaa waana markii uu qaaday ama maray jid khaldan, halaq galeen ah, markii uu maray waddo aanay Somaliland gayin in ay marto. KULMIYE waxa uu noqday meel qarankani ku hungoobay oo rajadii iyo himiladii qarankani qabay ka leexday oo uu maanta rajadaasi iyo himiladii umaddan uu werwer badan maanta galiyey oo aad dalkeenii arkaysaan. Wax badan ayaan ogahay oo aynaan halkan kaga wada sheekayn Karin. Waxaana igu filan in aan dhawr qodob idiin soo qaato”.
Professor Mawliid Maxamed Muumin oo qodobaynaya xaaladda dalka KULMIYE baday ee halista badani waxa uu yidhi: “Walaalayaal, waxa ay indhaheennu arkaan Dhaqdhaqaaqyo Millatari oo Afweyne kadib aynaan hore u arag muddo badan oo la doonayo in qaybo ka mid ah shacabka reer Somaliland lagu cabudhiyo. Arrintaasi arrin la qaadan karo ma aha. Waxa aynu arkaynaa in dadkii biri ma gaydada ahaa., salaadiintii iyo guud ahaan madax dhaqameedkii, dadkii ehlul sharafka ahaa, saxaafaddii, cid kasta oo Somaliland sharaf ka mudnaydba in aan loo aabo yeelayn oo la xidhayo oo la bah dilayo. Waxa kale oo ka daran in madax dhaqameedkii sidii shaadh uu qof xidhan yahay oo iska badalayo kolba qofkii la doono la iska badalayo. Xisbigii KULMIYE iyo xukuumaddiisii waxa ay shacabkii reer Somaliland isu galinayaan cuqdad iyo hadallo xanaf leh oo aad maalin walba ka maqlayso iyada oo la leeyahay ma adiga oo reer hebel ah ayaa reer hebel u tagi kara. Waxa la leeyahay reer hebel cagta ayaanu marinaynaa. Waxa la innoola badheedhay wax aanay gayin dhagaheenu in ay maqlaan. Halkan kagama bogan karo ka hadalka dhibka umaddayda haysta balse waxaan halkan kaga dhawaaqaynaa in aannu aniga iyo saaxiibaday ku soo biirnay xisbiga WADDANI oo aynu dalkeena ku badbaadin karno”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Prof-ku.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews