berberatoday.com
“Ummadda Reer Somaliland Waxaan ugu Bushaaraynayaa in aanay ka Wer-werin Hirgelinta Mou-ga”Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamud
August 15, 2024 - Written by admin
Hargeysa- Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ummadda reer Somaliland ugu bushaareeyay in aanay ka wer-werin wada-hadallada ay dabada ka riixayso dawladda Turkigu ee lagu dhex-dhexaadinayo dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiikra arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ciise Keyd, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska is-fahan (MoU) ee ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya uu marayo meel gabo-gabo ah, isla markaana sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgelin doono heshiiska rasmiga ah.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ummadda reer Somaliland waxaan u sheegayaa in heshiiskaasi uu dhammaad ku dhaw yahay, sidoo kalena lagu fulin doono sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana guul mooyaane aan wax kale laga filaynin.
Ummadda Somalilandna waxaan ugu bushaaraynayaa in aanay ka werwerin hirgelinta heshiiska MoU-ga iyo wada-hadallada Turkigu Waddo.”
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da laanteeda afka-soomaaliga, waxaannu tilmaamay in MoU-ga Somaliland iyo Itoobiya uu sidiisa u soconayo, waxaanu yidhi “Heshiiskii ay Itoobiya nala gashay sidiisii ayuu u socdaa, mana jirto wax astaan ah oo muujinaya ka noqosho. Ummadda reer Somaliland masiirkoodu waxa weeye in ay ka taliyaan aayahooda, dhulkooda, baddooda iyo nabad-gelyadooda, waxaa muhiim ah in ay ummaddu ogaato in wada-hadallada ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada yeelanayaan aanay khusayn heshiiskii is-fahan ee ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.”
Wasiir Ciise Keyd waxa uu tilmaamay in dawladda Turkigu aanay dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha khilaafka mandaqada, waxaanu yidhi “Markaad eegto farriimaha uu Turkigu ku soo qoray warsaxaafadeedkii uu todobaadkii hore soo saaray, waxaa ka muuqda isaga oo leh badda Soomaaliya, markaa waxaanu u sheegaynaa badda

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews