Haweenay Shaacisay Inay U Sharaxan Tahay Jagada Madaxweyne KuXigeenka WADDANI, Fariina U Dirtey Haween-weynaha Somaliland
August 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ee dalka Canada,ahna Safiirka Wareega Marwo Suhuur Xasan Abiib ayaa sheegtay inay u sharaxan tahay jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga, isla markaana waxay naqdiday Heshiiska ay xukuumaddu kula gashay Dekeda Berbera DP World.
Marwo Suhuur Xasan Abiib waxay sidaa ku sheegtay Wareysi ay siisay Telefiishanka Star TV xaruntiisa Magaalada Hargeysa, Waxaanay ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo inay faraha ka qaado Shirka Baxarasaafka ee ay ka sastay.
HALKAN HOOSE KA DAAWO