Wasiir Cadami Oo Ka Warbixiyay Daminta Shaqaaqo Laba Beelood Oo Wada Dega Ku Dhex Martay Gobolka Sanaag Iyo Safar Ay Ugu Baxayaan Deegaanada Gobolka Sanaag
August 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawacba sababtay oo laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay deegaanka dararwayne ee gobolka sanaag.
Waxaanu wasiirku sheegay in shaqaaqada labada beelood markii ay dhacday in ciidamada qaranku ku gurmaday isla markaana uu kala dhex galay labadaa beelood ee dirirtu dhex martay.
Waxa kale oo uu wasiirka difaaca Somaliland sheegay in inta dunidu jirto aanay dhibaatadu iyo shaqaaqooyinku aanay ka dhamaanayn laakiin arintu ay tahay sida wax looga qabtay ee looga hawl galay.