Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia oo Sheegay In Dawladiisu Ku Hawlan Tahay Soo Afjarida Khilaafka Kala Dhexeeya Dawlada Xamar
August 30, 2024 - Written by admin
“Dawlada Ethiopia waxaa ay Donaysaa in khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya lagu xalliyo qaab dublamaasiyadeed wasiirka Arimaha dibada Taye Atsikslase.
Wasiirka Arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegay inay Ethiopia ku hawlan tahay sidii ay u soo afjari lahayd khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la saxiixdeen Somaliland.
Balse Taye ayaa Yiri Laga soo bilaabo 2005,Ethiopia waxay bixisay qiimaha sidii ay Soomaaliya dal ahaan dib ugu istaagi lahayd Wuxuu sheegay in kumanaan Itoobiyaan ah ay iyaguna hureen naftooda.
Ugu danbayntii wuxuu yidhi Wasiirka arimaha dibada Ethiopia waa in ay ka waantoobaan madaxda Somaalia xaqiraadda naf-hurnimada Itoobiya ay usamaysay.