berberatoday.com
XUSUUS-QORKA MAANTA 5.September 2024 SANAD GUURADII 1AAD EE GEERIDII AXMED NAAJI SACAD 1939-2023 Hibadii iyo Horumarkii Fanka Afsoomaaliga
September 7, 2024 - Written by admin
XUSUUS-QORKA MAANTA 5.September 2024 SANAD GUURADII 1AAD EE GEERIDII
AXMED NAAJI SACAD 1939-2023 Hibadii iyo Horumarkii Fanka Afsoomaaliga
Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf
Qormadii 2aad
Sanadihii Todobaatanaadkii oo Fanka Afsoomaaligu baarka la baxay Hobolada qaranku waxay ka qaybgaleen
Tartamo caalami ah Meelaha ay wacdaraha ka dhigeena waxaa kamid ahaa Feestifaal balaadhan oo ka dhacay Pyongyang.
Caasimada Kuuriyada Waqooyi, ilaa 30 Dal oo ka socday saaxiibadii Hantiwadaaga ayaana ku beretamay
Biladii kaalinta 1aad waxa la siiyey Hoboladii Somaliya oo uu gudoon siyey Aas-aasihii Kuuriyada Waqooyi KIM IL SUNG oo awoow u ahaa M/weynaha hadda.
Xogtan oo macluumaadkeeda iyo sawiradii laga qaaday ay yaaleen Matxafkii qaranka ee Taaladii Xaawo Taako u dhowaa,
Waxa aan marar badan maqlay iyadoo laga sheekaynaayo. Sidoo kale Hobolada Waaberi Mar ay booqdeen Dalka Shiinaha waxaa qaabilay Hogaamiyihii MAO TSE TUNG.
Waxaana loo dalxiis geeyay Deyrka Shiinaha sida ku xusan Buuga MAGUURAAN ee laga qoray AHN Abw Cismaan Aadan (Cismaan-Askari) page 154 .
Fanka Soomaalida ee waayahaasina waxa kale oo uu Saamayn ku lahaa Dalalka Khaliijka.
Keydadka la hayana waxaa kamid ah Video laga duubay dhowr Fanaan oo ka heesaya Dalka Imaaraadka,
Colka muusika daadihinayana waxaa kamid ahaa AHN Axmed Naaji oo si xarago leh u tumaya Kitaarka codka dheer, sanadkuna waa 1973kii.
AHN Xuseen Aw Faarax ayaa sida la sheegay Mar uu booqday halka ay iskaga darsamaan Biyaha webiga Niilka cad iyo ka buluuga ah,
Ilqabadkii Muuqaalkaasna Waxa uu ka sameeyey Heesta WEBIYO ISU OOMAN oo ay ku luuqayso , AHN Xaliimo Khaliif Magool,
Hab la dhaca Laxamkuna waxaa loo dhigay Siiqada Suudaanta
markii la baahiyeyna Hees Dalkaas aad looga xiiseeyo ayay noqotay.
Dhinaca kalena Sanadkii 1998 kii Najiib Axmed Xaashi oo ka tirsanaa Muusikiisteyaashii Kooxdii Danan Hargeysa,
ayaa iiga sheekeeyey dhacdo uu uga waramay AHN Fanaankii Ismaaciil cabdi
( Ismaaciil-yare) xili ay ka qaybgelayeen Tartan lagu qabtay Dalka Nayjeeriya,
Kooxihii aanu beretamaynay mid waliba lasoo baxday aalado ay samaysteen oo ka duwan Qalabkii debedaha ka yimi ee cadaanku lahaa,
Waxaanu maalintaa ku baxsanay Shareero lagu sameeyay Somaliya gudaheeda oo AHN Axmed Naaji si Cid walba ka yaabisay u tumay, Aniguna (Ismaaciil-yare ) waxaan raaciyey Foori yar oo qori ka samaysan.
AHN Axmed Naaji Sacad oo waayihii dambe u badnaa xagga Ganacsiga, wuxuuse si cajiib ah u horumariyey Kooxdiisii SHAREERO oo aad uga dhisnayd dhinaca Qalabka,
Waxay lahayd qayb gaar u ah Filimqaadista Barmaamijyada Kooxda, Dukaamo waaweyn oo Cajaladaha Videoga iyo kuwa dhegeysiga laga helo, ayaana u furnaa.
Masrixiyadaha lagu xusuusto Kooxdii Shareero waxaa kamid ahaa Filinkii Qurbaani heestii Baaban jaahee Codkii
Zenatu amaan oo 1980 Dhegaha Aduunka qabsaday,
Waxaase yaab lahayd Markii SHAREERO Halkeedii dhigtay ee AHN Faadumo Qaasin iyadoo Somali u turjuman Halkeedii dhigtay, warkeedu ilaa Hindiya gaadhay.
Sanadihii 1984-86 waxaa aad usoo shaac baxay C/laahi-Sulfa iyo Kooxdii IFTIN oo heeso Copy cid kale leedahay masraxa la yimi,
Balse Waxaa saaxada ka saaray Album ay lahayd AHN Khadra Daahir Cige oo SHAREERO Tumaysay,
Heesaha gobo’da ah ee ku jirayna waxaa kamid ahaa AWRKII CIRKA oo aad loo habeeyay HABEEN WEEYE FARAXLEH, Musik si yaableh loogu farayareystay ayaana laga dhawaajinaayey.
DHAMAAD.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews