Socdaalka Xeebaha Bari Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobolka Saaxil
September 26, 2024 - Written by admin
Taliyaha ciidanka Ilaalada xeebaha ee Saldhiga 1-aad ee Berbera G/sare Haaruun Siciid Cali oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada xeebuhu ayaa kormeer ku tagay xeebaha bari ee Gobolka Saaxil , Taliyaha ayaa waxaa gaadhay ilaa deeganka karin iyo ceel-daraad ee Gobolka Saaxil si loo dardargeliyo shaqada adag ee ciidanka ilaalada xeebaha ee bad iyo bariba .
Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Gobolka Saaxil G/sare Haaruun Siciid Cali ayaa sheegay inay kormeer ku tageen xeebaha bari kadib markii Taliyaha guud ee Ciidanku amar ku bixiyey in la xoojiyo amniga guud ee xeebaha si looga hortago wax kasta oo dhibaato ku ah amniga qaranka sida budhacad babdeeda , argagixisada , kaluumaystada sharci-darada ah iyo cid kasta oo damacda inay khalkhal amniga ka samayso dhinaca biyaha iyo xeebaha dalka .
Taliye Haaruun waxaa intaasi raaciyey inuu samayn-doono kormeer joogto ah oo lagu ilaalinayo xeebaha dalka gaar ahaana Gobolka Saaxil , Taliyuhu waxaa kulamo is-xogwaraysi ah la qaatay ciidanka iyo shacabka ku dhaqan deeganada xeebaha ee ay socdaalka ku tageen
Waxaa ahaa safar adag oo lagu sugaayo amniga guud ee xeebaha bari ee Gobolka .