Saamaynta Tarxiilka Trump Ku Dhawaaqay !Kamil Ahmed Nasir
November 6, 2024 - Written by admin
Saamaynta tarxiilka Trump ku dhawaaqay !
WASHINGTON, DC – SEPTEMBER 19: Republican presidential nominee former U.S. President Donald Trump speaks at the Israeli American Council National Summit at the Washington Hilton on September 19, 2024 in Washington, DC. Trump addressed the pro-Israel conference, stating that if he is not elected president Israel will be ?eradicated? within two years. (Photo by Kevin Dietsch/Getty Images)
Horaantii ololihiisa wuxuu yidhi waxaan samayn doonaa “ the largest domestic deportation operation in American history” oo ula jeedo tarxiilkii ugu waynaa taariikhda mareykanka ayaan samayn doonaa haddii aan kursiga ku fadhiisto, isagoo xusey xataa haddii loo baahdo inuu isticmaali doono ciidanka milatariga qaranka, dhanka kalena uu ka dhisi doono xabsiyo agagaarka darbiga laga boodo.
Wuxuu xusey in uu isticmaali doono sharci 226 jirsadey, oo lagu magacaabo “Alien Enemies Act” kaasoo daaran qaraar madaxwaynuhu ku tarxiili karo xilliyada dagaalka qof kasta oo aan muwaadin ahayn, kana soo jeeda wadan cadaw ku ah danta mareykanka. jiritaanka mareykankana saddex jeer oo kaliya ayaa la dhaqan galiyey sharciga kan, iyadoo xeel dheereyaal sharci yaqaano ahi ku doodeen inaanu awood u lahayn Trump isticmaalka sharcigan “Alien enemies act” xilli wadanku nabad yahay, dhanka kalena waxay khuburo siyaasadeed xuseen in dhaqan galka sharcigani wajihi doono caqabado sharci oo door ah.
Balanqaadka Trump wuxuu dhanka kale ka hor imanayaa awooda ICE ( immigration and customs enforcement) oo la sheego inay sanadkii ay ugu badnayd tarxiileen 400,000 oo qof oo kali ah, iyadoo la qiyaasayo tirada tahriibayaasha aan la diwaangalin ee wadanka ku sugan inay tahay 11 Million oo qof, taasoo wadar ahaan ka dhigan inuu muddo xileedkiisa tarxiili karo 1.6 Million hadduu isticmaalo laamaha sharci ahaan u qaabilsan waa ICE.
Haddii ay noqoto in xabsiyo loo dhiso 11-kaas Million waxay la mid noqoneysaa in la dhiso ilaa 5 magaalo oo leh baaxada magaalada Houston, haddii ay noqoto in la tarxiilana waxaa loo baahanayaa 58,000 oo diyaaradood oo nooca Boeing 737 oo buuxa, dhaqaale ahaana waxay ku kici kartaa 10,900$ calaa qof in wadankiisa lagu celiyo waa sida ay ICE u dhigtaye, wadarta guud ee dhaqaalaha ku baxayana wuxuu caga-cagayn doonaa in ka badan 100 Billion oo dollar, marka la eego dhaqaalaha tooska ah, iyadoon ku jirin saamaynta kale ee ay yeelan karto sida inay dadkan soo galootigu yihiin 5% shaqaalaha caadiga ah ee wadanka, iyadoo khuburada dhaqaaluhu sheegeen in arintani sababi karto hoos u dhac shaqaale, iyo mid dhaqaale marka laga yimaad inay xumeyn karto xiriirka dibloomaasiyadeed ee wadamada qaar iyo mareykanka maadaama wadamo badan aanay u diyaarsaneyn qaabilada tiro dad ah oo intaasi le’eg oo dib loogu soo celiyo.
Soogalootiga ayaa lagu cabirey inay soo xareeyaan canshuur gaadheysa 96.7 Billion oo dollar sannad walba, dakhligan ayaana meesha ka bixi doona haddii dadkaas dib loogu daabulo wadamadoodii.
Mar sii horeysay cilmi baadhis la sameeyey ayaa xuseysa in tarxiilka 1 Million oo soogalooti ahi sababi karo in 88,000 oo muwaadinin mareykani ahi waayayaan shaqadooda, maadaama ay ku tiirsanaayeen shaqada ay u hayaan dadkaasi.
Sidaasi darteed waxay u muuqataa inaanu hirgalayn qorshaha Trump ee tarxiilka ah, isla markaasna ay ahayd mid uu ku shukaansanayay cod bixiyayaasha reer mareykan, iyadoo aan la beeneyn karin inuu samayn doono isku daygiisa ilaa inta awoodiisu siiso.
TALO: dhalinyaro intiina haysata warqadaha shaqada bixiya canshuurta wadankaas, hana ka dhuumanina, intii awoodiina ah, waayo waxay kaa caawineysa inay kuu qurxiso diwaanka aad ku leedahay wadanka !