Wariye Axmed Siciid Cige oo Kawaramay Tariikh Nololeedii Marxuum Wariye Cabdirisaaq Xaji Maxamed Siraad.
November 25, 2024 - Written by admin
Wariye Axmed Siciid Cige oo Kawaramay Tariikh Nololeedii Marxuum Wariye Cabdirisaaq Xaji Maxamed Siraad.
TACSI Geerida weriye Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad
ilaahay ha u naxariisto waxaa caawa 24.11.2024 ku geeriyooday cisbitaalka guud ee hargeysa weriyihii caanka ahaa ee BBC Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad . Waxaan tacsi u dirayaa caruurtiisii , qoyska ballaadhan ee reer xaaji Maxamed Siraad , ehelkii , qaraabadii , iyo asaxaabtiisii . ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo marxuumka inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo . Cabdirizaaq wuxuu ahaa nin bashaash ahaa , kaftan badan , naxariis badnaa , oo weligii aanu jirin cid ka cabataa , oo ahaa weriyaha ugu mudada dheeraa BBC konton sano ka soo shaqeeyay .
wuxuu ku dhashay magaalada Sheekh ee gobolka saaxil 1947 siduu ii sheegay , isagoo waxbarashadiisii ilaa dugsiga sare ku dhamaystay magaalada hargeysa .
Cabdirizaaq bishii September 1969 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ku tegay magaalada london , isagoo ku qalinjebiyay cilmiga Chemistry . intii uu jaamicada ku jiray wuxuu shaqo xilli dhiman ah ee loo yaqaano “Part time” ka helay laanta afka soomaaliga ee BBC London , isagoo markii danbena toos ugu biiray weriyaasha BBC oo uu ka hawlgelayay mudo konton sano ahayd .
Mudooyinkii danbe wuxuu isaga dhexeeyay magaalooyinka london iyo hargeysa , Berbera , iyo magaalada Sheekh ee uu ku dhashay .
Cabdirizaaq wuxuu ka dhashay qoys caan ku ah bulshooyinka soomaalida xaga diineed siiba daqiiqda magaalada Sheekh , xag dhaqan , iyo xagga siyaasada oo adeerkii Xaaji cabdillaahi gamgam iyo walaalkii Muuse Qaadi xaaji maxamed siraad ay labaduba si isku xiga uga mid noqdeen baarllamaankii ugu danbeeyay somaliya ee la soo doorto si xisbiyo badan ah lixdanaadkii .
SAWIRKA ; Keydkeyga ; Marxuumka Cabdirizaaq Xaaji Maxamed Siraad iyo Axmed Saciid Cige , Hargeysa sanado ka hor .
GOOBTA AASKA ; Waxaa lagu aasayaa marxuumka xabaalaha dariiqada ee magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil berito inshaa alla 25.11.2024 , sidaa uu ii sheegay wiilka adeerka uu u yahay Maxamed Muuse qaadi Xaaji Maxamed Siraad .
AXMED SACIID CIGE
Hargeysa