KULAN XIISA BADAN OO BOORAMA KU DHEXMARAY XADDI IYO CALI MAHAD
December 9, 2024 - Written by admin
KULAN XIISA BADAN OO BOORAMA KU DHEXMARAY XADDI IYO CALI MAHAD
Subaxnimadii 30.11.2024 oo Aniga (Maxamed Soo Fadhiiste) iyo Cali Mahad Yuusuf aanu tagnay Huteelka Oslo ee Magaalada Boorama.
Waxaa Noogu yimi Profsr Daahir Xaddi oo kamid ahaa Weriyeyaashii Hore ee Dawladii Soomaaliya.
Cali Mahad Yuusuf oo ay aqoon hore isu lahaayeen.
Hadaba waxaa aad iiga yaabiyey Sheekadii ay bilaabeen abaaro 9 Kii Subaxnimo waxay nala gaadhay 1dii Duhurnimo oo wax dhiman.
waxaanay u badnayd Sanado hore iyo Markii Daahir Weriyaha ka ahaa Idaacadii Muqdisho.
iyo weliba ragii ay isku weriyeyaasha ahaayeen. Waxaanu Cali Mahad mid mid u weydiiyey Weriyeyaal badan oo ragii berigaa Shaqayn jiray ah.
waxaan aad ula yaabay sida uu qof walba Magaciisa oo sadexan u Xusuusanyahay.
Nin kale oo isna mar dambe noo yimi ayaa sidaydoo kale aad uga yaabay sheekada labada oday .
Iyo sida Cali Mahad maskaxda ugu hayo taariikhahaas
amuuraha Xiisaha leh ee uu Daahir Xaddi uga waramayna waxaa ku jiray Warar uu
uu Akhriyey Daahir laftiisu lyo weliba qodobo kamid ahaa wararkaas.
Wax sheeka ka badan oo u qalanta in warkeeda la baahiyo ayaanay ahayd.