“Markuu Iscasilo Duqa Degmo, Waxa Aqbalaadda Is-casilaada Iyo Doorashada Duqa Cusub Iska Leh oo Ay Gaar Utahay Golaha Deegaanka. Dawladda Dhexe Wax Shuqul Iyo Shaqo Ah Kuma Laha”Garyaqaan Guuleed Dafac
December 21, 2024 - Written by admin
“Marka uu is casilo duqa degmo, waxa aqbalaadda is-casilaadda iyo doorashada duqa cusub iska leh oo ay gaar u tahay golaha deegaanka. Dawladda Dhexe wax shuqul iyo shaqo ah oo ay ku leedahay ma jirto. Ma jirto wax uga banaan oo ka hortag iyo ka dabo tag ah.
Sidaasdarteed, doorashada duqa cusub ee Gabiley waa mid waafaqsan qodobka 68aad ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka oo lala akhriyo qodobka 67aad ee isla xeerkaas.
Xukuumadda cusub oo ku ololaysay isku xukunka sharciga, waxa aan ka filayaa inaanay sidii dhici jirtay u farogellin golayaasha deegaanka.
Waxa Qoray Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac Dafac