“Taariikhda Ceergaabo Muran ma Gasho”Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje
December 22, 2024 - Written by admin
” Taariikhda ceergaabo muran ma gasho ” .
Ceergaabo marka 21 km galbeed waqooyi looga dhaqaaqo waxaa ku taala buurta dheer ee surud loo yaqaano , buurtaas siraadley waxaa ku yaalaa jabadkii Sheekh Isaxaaq ku aroostey wadaadiisii Magaado oo weli sidiisii ah 800 sanadood goobtaasna waxa loo yaqaanaa xilo caruusa.
Sheekh Isaxaaq markii uu wafaadey waxaa lagu aasay oo qabrigiisu yahey magaalada maydh oo isaga iyo duriyad badan oo uu dhaley kula aasan tahey.
Intaa ka dib Buurta Daallo oo loo yaqaano Daallo Arab waxaa ku aasan Arab Sheekh Isaxaaq oo loogu magac darey, Daallo waxay u dhaxaysaa magaalooyinka maydh iyo ceergaabo.
200 sanadood ka dib geeridii Arab Sheekh Isaxaaq waxaa dhashey Siciid Harti oo ku magac dheer dhulbahante oo ay dhashey faadumo cabdale Arab Sheekh isaxaaq.
Sidaas markey tahey taariikhda ceergaabo waa mid cad oo aan muran geli karin , wiilka awoowaha loo yahey na awoowyaashii taariikhda ceergaabo kulama doodi karo sababtoo ah 200 sanadood ka hor intii uusan dhalanin ayaa odaygii hooyadii faadumo awooga u ahaa ee Arab iyo aabihii Sheekh isaxaaq deegaanka yaaleen kuna aasan yihiin.
Sidaas markey tahey taariikhda ceergaabo muran ma gasho waa gurigii duriyada reer Sheekh Isaxaaq kasoo tafiirmeen tusaale magaalada ceergaabo 18 km galbeed oo loo yaqaano Dayaxa waxaa ku aasan Daauud Garxajis, 40 km koobfur barri oo loo yaqaano jiidali waxaa ku aasan subeer awal
Gudaha magaalada ceergaabo waxaa ku aasan Abokor muuse daauud, dhimbil xasan abokor, yoonis ciidagale, muuse ismaaciil carre, mataan abokor ibraahim.
Sidaas darteed ceergaabo waa xudunta taariikhda iyo guriga reer Sheekh Isaxaaq muran ma gasho.
Waxa qoray Xidhibaan Axmed Nuur Guruuje