berberatoday.com
Dawlada Mareykanka oo Dalkeeda Kasoo Mastaafurisay Gacan Ku Dhiigle Korneyl Tuke oo Gabood Falo Ka Galay Shacabka Somaliland
December 24, 2024 - Written by admin
Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah dalkeeda uga soo mastaafurisay Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ahaa Taliyihii Guutada Shanaad ee Ciidamadii
Soomaaliya ee qaabilsanaa gobolka Gabilay.
Sida ay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay qaraar ka soo baxay waaxda dhaqan celinta Maraykanka wuxuu Sarkaalkani ahaa muddadii u dhexaysay 1987 ilaa 1988 Taliyaha Guutada Shanaad ee Ciidamadii Soomaaliya ee qaabilsanaa gobolka Gabilay, Sida ay qaraarkan ku caddaysay dawladda Maraykanku waxa lagu helay inuu mas’uul ka ahaa oo uu geystay gabood falo isugu jidh dil wadareed, Gubitaanka magaalooyinka, burburinta keydadka biyaha, Miinooyin dhulka lagu xabaalay iyo ciqaab jidheed oo uu kula kacay dad rayid ah oo lagu tuhmay inay ka soo hor jeedaan siyaasadda dawladii Maxamed Siyaad Barre.
Ku-simaha Agaasimaha Fulinta Hawlgallada Dhaqangelinta iyo Ka saarista Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka ee Washington Russell Hott ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanku aanu gabood-nabdoon u noqon doonin kuwa geysta xadgudubyada xuquuqul insaanka, Agaasimahani waxa uu sheegay in Kiiska Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo muddo dheer soo jiitamay uu aakhirkii ku soo dhammaaday in Maraykanka laga mastaafuriyo,
waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay sidii ay dhibaneyaashu caddaalad u heli lahaayeen.
Xarunta xuquuqul insaanka iyo dambiyada dagaalka ayaa ka codsatay dawladda Maraykanka inay bilowdo kiiska sarkaalkan oo sannadkii 2020-kii loo xidhay dunuubtii uu ka geystay dhulka Somaliland.
Garsoore ka tirsan waaxda caddaaladda ee socdaalka ee Maraykanka ayaa sannadkan soo saaray go’aan ka kooban 65 bog, kaas oo lagu caddeeyay in Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) uu shakhsi ahaantiisu jidh dil u geystay dad rayid ah, halka uu sidoo kalena ku amray Askartii ka amar qaadanaysay inay dilaan, oo xidhaan cid kasta oo dawladdii markaas jirtay ka soo hor jeestay.
Waxaa kale oo garsoorahani uu ka dalbaday dawladda Maraykanka inay dalkeeda ka mastaafuriso kornaylkan dhagaraha badan soo gaystay, taas oo Waaxda Hawlgallada Dhaqangelinta iyo Ka saarista Socdaalka ee Kastamka Maraykanku ay fulisay amarkaas 20-kii bishan December.
Kiiska kornaylkan lagu soo mastaafuriyey ayaa labaatankii sanno ee u dambeeyay ka socday dalka Maraykanka kaas oo ay ka qayb galeen hay’adaha xuquuqul iinsaanka caalamiga ah oo kaashanayay qaar ka mid ah dhibanayaashii uu Tacadiyada kula kacay Kornayl Tuke.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews