berberatoday.com
FBI-da Mareykanka oo Tiradii Ugu Badneyd ee Walxaha Qarxa Ah Kasoo Saartay Beer Kutaalla Virginia
January 2, 2025 - Written by admin

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay heshay in ka badan 150 bam kadib howlgal lagu qaaday beero ku yaalla gobolka Virginia – taasoo la aaminsan yahay inay tahay kaydkii ugu weyn ee bambooyinka ee lagu qabtay howlgal ay hay’addu sameysay taariikhda inta la ogyahay.

Brad Spafford ayaa lagu xiray degmada Isle 17-kii Diseembar, taasoo 290 kiiloo mitir koonfur ka xigta Washington DC, ka dib markii la helay xog sheegaysay in hub iyo rasaas lagu sameeyay guriga ay halkaa ku kaydsantahay, isagoo la wadaagay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo yaryar.

Baarayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah aaladaha laga helay qol jiif ah ayna ku jireen boorso aan si wanaagsan loo xirin ” – taasoo loo arkay in ay tahay tixraaca dhaqdhaqaaqa arrintaan.

Qareenka Mr. Spafford ayaa beeniyay in uu khatar ku yahay ninkaan bulshada waxaana uu xoogga saarayaa hadda in laga sii daayo xabsi ay dowladdu ku hayso.

Ninkaan ayaa la tuhunsan yahay ilaa hadda waxaa lagu soo eedeeyay kaliya lahaanshaha qori aan diiwaan gashaneyn, in kastoo baarayaashu ay sheegeen in eedeymo kale ay suurtogal yihiin.

Baarayaasha ayaa sheegay Talaadadii in bambooyinka la qabtay “si kooban loogu qiimeeyay inay yihiin kaydkii ugu weynaa ee hubka qarxa oo dhammaystiran ayna taariikhda qabato FBI-du.

Mr. Spafford ayaa la sheegay inuu isticmaalay sawirrada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden si uu ugu tababarto, isagoo muujiya rajadiisa ah in madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris la dilo.

Wuxuu dhawaan raadsaday aqoon isweydaarsi ku saabsan toogashada qoryaha sharpshooter-ka ee goob tababar oo maxalli ah, sida ku xusan dukumentiyada maxkamadda.

Warqadda eedeynta ayaa sheegaysa in qof deris la ahaa oo aan magaciisa la shaacin uu soo sheegay in Mr. Spafford uu sii waday how bamamka xitaa ka dib markii uu ku waayay saddex farood oo gacantiisa midig ah 2021-kii “markaaa oo uu ka shaqeynayay sameynta waxyaabaha qarxa.

Qof deriska ah, oo horey uga shaqeyn jiray ilaalinta sharciga, ayaa xirnaa qalab duubaya mar uu booqday beerta Mr. Spafford ee 20 hektarka ah sanadkii 2024-ta, sida ay baarayaasha sheegayaan.

Caddeynta uu ururiyay qofka deriska ah ayaa keentay in saraakiisha FBI-da ay baaraan arrintaan, iyagoo halkaas ka helay qaraxyo ku daadsan guriga, sida ku xusan dukumentiga eedeynta.

Qiimeyn horudhac ah oo ay sameysay FBI-du waxay ku sheegtay in aaladahaasi ay yihiin “bambooyin guri lagu sameyay”. Inta badan waxay ku jireen meelo goonni goonni ah, waxaana loo kala soocay midab ahaan. Qaar ka mid ah ayaa lagu calaamadeeyay “xaqiijinta dhimasho.”

Walxahaan qarxa oo badan ayaa laga helay iyagoo ku jira suunka la xirto, sida lagu sheegay dukumentiyada maxkamadda.

Bambooyin kale “ayaa la helay iyagoo ku jira boorso” gudaha guri uu deganaa ninkaan.

Dusha boorsada waxaa lagu calaamadeeyay “#nolivesmatter”, sida ku cad dukumentiyada maxkamadda.

Nolivesmatter waa dhaqdhaqaaq ku baaqa fikradaha xag-jirnimada, weerarada bartilmaameedka ah, dilalka safmarka ah, iyo falalka dambiyada, isla markaana ku dhiirrigeliya xubnaha inay ku lug yeeshaan dhibaato iyo xadgudubyo, sida laga soo xigtay Xafiiska Ammaanka iyo Diyaargarowga ee New Jersey.

Intaa waxaa dheer bamamka tuubooyinka, baarayaashu waxay sheegeen inay heleen shay ay ku jiraan qaraxyo aad u xasaasi ah oo loo yaqaan HMTD, kaas oo FBI-du ay tilmaamayso inuu yahay mid aan fadhin, isla markaana si fudud u qarxi kara haddii heerkulku uu isbeddelo, oo aan u baahnayn wax qarxiyaha ah.

Shayga HMTD waxaa lagu calaamadeeyay “Khatar” iyo “Ha Taabanin”, waxaana lagu kaydiyay qaboojiye, iyadoo la ak dhigay cunto ay isticmaalaan carruurta yaryar, sida ay muujinayaan dukumentiyada maxkamadda.

Qof deriska ah sidoo kale wuxuu sheegay in Mr. Spafford uu ka hadlay sidii uu gurigiisa ugu xoojin lahaa qalab adag oo loo yaqaanno turret (qalab difaac ) oo loogu tala galay gaashaan ahaan.

Mr. Spafford, oo ka shaqeyn jiray goob mashiinnada, ayaa sidoo kale sheegay in carruur la waysanyahay oo warbaahinta laga sheegay ay qaaday dowladda federaalka si loogu tababaro sidii iskuullada.

Qareenka Mr. Spafford ayaa sheegay Talaadadii in sheegashada dowladda ee ah in ninkaa uu khatar ku yahay bulshada ay tahay “arrin aan sax ahayn iyo cabsi gelin”, sababtoo ah tuhunka looma hayo wax caddeyn dambiyadeed ah,” ayuu yiri.

“Ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in Mr. Spafford uu marnaba khatar ku yahay qof kale, waxaani waa sheegasho ah in qof khatar ugu jiro aragtiyadiisa siyaasadeed iyo faallooyinkiisa aan macno lahayn,” ayuu qareenku baahiyay.

Garsoore federaali ah oo kormeer ku sameyay kiiska ayaa amray in Mr. Spafford la sii daayo iyadoo la eegayo doodaha iyo waxyaabaha la soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankaas ayaa la hakiyay iyadoo dowladdu ay dooneyso inay ku sii hayso xabsiga ninkaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews