berberatoday.com
Madaxweynaha Dawlada Xamar Xasan Sheekh oo Diyaarsaday Qorshe Uu Ku Curyaaminayo Dhoofka Xoolaha Iyo Dhaqaalaha Somaliland
January 2, 2025 - Written by admin

Afartii bilood e danbeeyay  waxaa culays wayni saarna  Xoolaha Somalida ee loo dhoofiyo dalka Sucuudi Carabiya,

Madaxwaynaha Dawlada  Muqdisho  Xasan Sheekh ayaana  weerar kusoo qaaday  dhoofka xoolaha Somalida  isagoo  heshiis  aan la shaacin la galay Ganacsadaha Yemeniga ah e magaciisu yahay Abu Yasir,kaas oo mudo sanado ah ku dhex jiray Dhoofka Xoolaha Somalida,

Bilowga sanadkan Cusub ee 2025 ayaa la hirgalinayaa heshiiskaasi qarsoodiga ahaa ee Madaxwayne Xasan Sheekh lagalagay ganacsadaha Yemeniga ah e Abu Yasir waxaana kooto loogu xidhayaa dhoofka Xoolaha Somalida ee loo diro dalka Sucuudiga,

 

dabcana sida ilo wareedyo sugani sheegayaan cida weerarka lagu yahay waa dekadaha Berbera iyo Bosaaso sababtoo ah xoolaha ugu badan ee geeska Afrika waxay maraan Dekada Berbera  waana dhuunta ugu dhow Dalka Sucuudiga oo xooluhu ma dareemaan jacdad iyo dhib kale toona taas ayaana ka dhigtay Berbera marinka xudunta u ah dhoofka Xoolaha Somlida ee loo diro Sucuudiga,

Waxaa soo raacda Dekeda Bosaso, wayna  adag tahay Xoolo loo dirayo sucuudiga inay ka dhoofaan Muqdisho ,

Hadaba Inqilaabkan dhoofka xoolaha ah uu horkacayo Madaxwaynaha Muqdisho saamayn intee leeg ayuu ku yeelanaya dhoofkii Xoolaha ee Somlidu ka shaqaysan jirtay,

1 Kootada loogu xidhay dhoofka xoolaha  Ganacsadahan Yemeniga ugu horayn macjarkiisa oo kaliya ayaa laga rarayaa Xoolaha taa macnaheeduna waa isaga ayaa loo shaqaynaya waxaana meesha ka baxay kumanaan kun oo Ganacsade oo Xoolaha dhoofin jiray waana iskudaygiisa.

2 Xoolaha waxaa ku dhacaya labo cashuurood  ,Cashuurtii Dekada uu ka dhoofayo iyo khidmada u dhiganta cashuurta laga qaaday uu leeyahay Madaxwayne Xasan Sheekha Xamar.

3 Waxaa Xidhmi doona macjaradii ay lahayeen Ganacstada Somalida ah dhamaantood,

4 Waxa ka baxaya suuqa  ganacsatadii  xoolaha ka shaqaysan jirtay ee Somalida ahayd  waxanay kudanbayn doonan dilaliin ushaqaysa Abu Yaasir,

5 Qiimaha lacagta uu siisanayo neefka ayaa hoos u dhici doonta sababtoo ah kootada ayaa keenaysa oo sayladihii iibka xoolaha kaligii ayuu qiimaha ujarayaa

6 Kootadan dhoofka Xoolaha e Madaxwaynaha Muqdisho u xidhayo Ganacsadahan Yemeniga ahee Abu Yasir waxay keenaysaa khilaaf khatar ah oo keeni kara in Carafadan inagu soo foolka leh ay adkaato in xoolo loo diro sucuudiga sababtooo ah marka kumanaan qof oo ka shaqaysan jiray dhoofka xoolaha ganacsigiisa albaabada loo xidho shaqadii ay qaban jireen waxay taasi keenaysaa fawdo xaalad aan la qiyaasin karin oo kacdoon,

7 Gancsadahan Yemeniga ah ee khatarta ku ah ganacsiga xoolaha Somalida wuxuu dhabarka saaray Shirkada wadaniga ah e Deero Gruop macjarka ay leeyihiin taas oo umuuqata dhufays uu la dhexgalayo damaciisa kootada ah, khabiir dhoofka xoolaha ah oo warbaahintu waydiisay arinkan ayaa ku tilmaamay mid mushkiladeeda leh oo ku tilmaamay waxaan suura galayn oo isku dhacyo dagalka xoolaha ah in uu bilowdo Keeni kara iyo waliba kacdoon mudaharad wata,

8 si kastaba xaalku ha ahado e waxa iyana suura gala in dawlada Somaliland fiiro wayn uyeelato arinkan oo dhankeeda ay xayirto dhoofka xoolaha ee dalka sucuudiga si an amaan daro u dhicin waxaana la filayaa Inay dhawaan go,aan kasoo saari doonto sida ay sheegayan xogo aanu helay oo lagu kalsoonyahay.

Hadaba waxaa iswaydiin leh Xukuumada Cusub ee Jamhuriyada Somaliland uu Madaxwaynah ka yahay Dr Cabdiraxman Cirro  waxay sheegtay inay wada hadal la furayso Madaxwaynaha Muqdisho Xasan sheekh  iyadoo dagaal lagu soo qaaday dhoofkii xoolaha ee ganacstada Somaliland ka shaqaysan jireen uu taaganyahay taasi ayaan la garanayn sida ay usuuragalayso,

Tani waa isku daygii udanbeeyay weeraro socday 4 bilood  waxaana illo xog ogaal ahi sheegayaan in wasiirka Xananada Xoolaha ee dawlad Xamar Qoray warqadii Kootada loogu xidhayay dhoofka xoolaha Ganacsadaha Yemeniga ah ee Abu Yaasir Ninkan oo dhowr jeer oo hore sababtiisa loo xayiray dhoofka Xoolaha Somalida ee loo iib geeyo dalka Sucuudiga isagoo carqalado ku  sameeyay si loo xayiro xoolaha Somalida oo ah isha kaliya ee Somali dhan midaya ganacsigooda.

Ugu danbayntii Cunaqabataynta dhoofka xoolaha ee Madaxwaynah Muqdisho diyaarsaday inuu Somaliland ku fulinayo ganacsatadeedana ku curyaamiyo waxaa la eegi doona siday uga fal celiso xukuumada Cusub ee Jamhuriyada Somaliland uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews