Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Dogreeto Kasoo Saaray Dacwad Racfaan Sugeysa Iyo Fargalin uu Ku Sameeyay Hedhiiska Dp World.
January 3, 2025 - Written by admin
Wararka laga helayo Abu Dubia ayaa xaqiijinaya in cilaaqaadka DP World iyo Somaliland soo xumaanayaan, kadib markii Madaxwayne Cirro goaan Maxkamad Racfaan oo soo baxay 24 December oo xataa wali aanay bilaabmin 30 maalmood ee Racfaanku uu digreeto Madaxwayne oo Fulin ah dul dhigay DP World in ay siiso Ganacsade taageerayay Wadani xiligii Doorashada.
Waxa kale oo uu farogaliyay qodobadii heshiiskii DP World isagoo Madaxwayne Cirro faray DP World awaamiir aanay shaqo ku lahayn balse ganacsade ina Faarax Xarbi ku cadaadinayo DP World in ay isaga ka iibsato qalab uu sheegay ina Xarbi in aanay haysan DP World oo lagu rogo qamadiga kaasi oo uu ku doodayo in khasaare 1 milyan oo Dollar ahi in uu ka soo gaadhay qalabkaa la’aantii.
Farogalinta Cadaalada waxay la mid tahay danbiyada ugu waawayn ee uu Madaxwayne galore isagoo u farogalinya in uu ugu hiiliyo dhinacyo is haya midkood.
Dadka u dhuun daloola Siyaasada Madaxwayne Cirro, ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan degdega ah ee Madaxwaynuhu ku farogaliyay dacwad wali ka socota hay’addihii Garsoorka, mid muujinaaaya bilowga Khilaaf hor leh oo u dhexeeya xukuumada Cabdiraxman Cirro iyo UAE kaasi oo sababi doona isbedelo waawayn oo ku yimaada maalgalintii faraha badnayd ee DP World ay galinaysay Somaliland iyo mashaariucdii socotay ee uu ka mid yahay suuqa ganacsiga xorta. Arinkan ayaa Xukuumada Djibouti ay aad u soo dhawayn doontaa oo uga qaalisan wax kasta.