BERBERA”HALIS WAYN BAA SOO SOCOTA:-WAXA QORAY JIMCAALE CAWKE
January 10, 2025 - Written by admin
Ganacsatadii Somaliland ee waa waynayd badan koodii waxay mid kasta gaar u samaystay Mashruuc dhisme Haamo shiidaal oo uu ka hir galiyay magaalada Berbera.
Qorshahoodu waxa ka mid ah inay shiidaalka iyagu kasoo iibsadan JUMLAD ahaan dalka dibadiisa, ka dibna ay ku kaydsadaan Haamahooda, waxaanay samaysan doonaa kaalmo Ay shiidaalkooda ku iibiyaan si tafariiq ah (Importer Whole saler and Retailer).
Waxa intaa weheliya inay iyagu lahaan doonaan Booyadaha qaada shiidaalka ee gaadhsiiya kaalmaha shiidaalka.
Waxaynu markhaati ka wada noqon doonaa waqti aan fogayn in ay meesha ka baxaan Ganacsatadii dhexe ee ka ganacsan jiray Tafariiqda iyo jumlada shiidaalka, waxaana isugu soo hadhi doona gamacsatada waa waawayn ee Guud ahaan Gacanta ku dhigi doona soo dajinta, jumlada iyo Tafariiqda shiidaalka.
FIIRO GAAR AH:- sidaas oo ay tahay waxa Somaliland ka dhaqan gashan Xeerka kala xadaynya ganacsiga XEER LR. 26/2004 oo si cad u sheegaya in Ganacsigu u kala xadaysan yahay oo aanu ganacsadena isugu gudbi karin laba heer.
Waxa qoray Jimcaale Cawke
Berbera Somaliland