berberatoday.com
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil oo ku Fashilmay Waxbarshada Gobolka oo hoos usii socota iyo Hambalyo uu udiray ardeydii uumacalimiinta ukeeni kari waayey
August 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Berbera(Berberatoday.com) Gudoomiyaha waxbarashada gobolka saaxil oo ah gudoomiyihii ugu kartida yaraa intii gobolka saaxil uu joogey oo aan la arag wali gobolka inuu tobonka sare gobolku ku soo baxo ayaa ah mid ku jira sheeko iyo khiyaali in xilka la ilaashado oo lagu ilaashado in qofka dawlada ah ee yimaada gobolka loo sheekeeyo oo loo raxleeyo , dhaqankaa oo uu ka bartey ninka wadaadka isku sheega ee saleebaan oo ku dalacay bahaadaa iyo horcararka madaxda hargeysa ka soo dalxiiska tagta ee baadhashada gobolka u yimaada
Hadaba gudoomiyaha oo waraaq uu soo qoray na soo gaadhey ayaa waxay udhigneyd sidan
Qoraalkii gudoomiye Ibraahin digaal.
Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed Ayaa Hambalyo U Diraya Dhamaan Ardayda Ku Guulaysta Imitaxaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo dhexe ee gobolka Saaxil Waxaanan Hambalyaynayaa Waalidkii iyo Macalimiintii wax soo Bartay Ardaydaas Waxaanan u Rajaynayaa Ardaydaas in Aqoontood Halkaas ka Sii Waddan Oo Aanay Halkaas kaga HADHIN Waxbarashada
Waxaan Sanadkan u Ka Qaybgalaya Imitaaxanada Shaahaadiga Dugsiyada Sare Ee Gobolka Saaxil 6 Dugsi sare Oo Kale Ah
- Dugsiga Sare Bursade Berbera
- Dugsiga Sare Cabdisalasan Berbera
- Dugsiga Sare Shire Gaab Degmada shiekh
- Dugsiga Sare Suuqsade Degmada Shiekh
- Dugsiga Sare Lixle Degmada Go,adawayne
- Dugsiga sare Sos
Waxaana Imitaaxanadka U Fadhiistay Dugsiyada Sare Ee Gobolka Saaxil 452 Arday
- Grade (A) Waxaa Ku Keenay 36 Arday
- Grade (B) Waxaa Ku Keenay 200 Arday
- Grade (C) Waxaa Keenay 173 Arday
- Grade(D)Waxaa Keenay 35 Arday
- Grade(E)Waxaa Keenay 7 Arday
Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Saaxil oo dhan U Fadhiistay Imitaxaanka Shaahdiga ah Waa 18 School dhexe Waxaan Imitaxaanka u Fadhiistay 618 Arday oo Gobolka Saaxil oo dhan ah Waxaan Imitaxaankaas aan Gudbinuun 7 Arday Oo Kaliye Gobolka Saaxil oo dhan
Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed Waxaa Kale Oo uu Hanbalyo ku Diray Labada School Sare ee Sanadkan Markii ugu Horaysaya ay Imitaxaan U Fadhiistan Ardayda Dugsiyada Sare Waana Labada School ee Ku kale yaal Degmada Go,adawayne oo lagu magacaabo Lixle Scondry school iyo Dugsiga Sare ku yaal Tuulada Suuqda Waxaanan Hambalyo u Diray Macaliminta iyo Waalidinta Ardaydaas Wax Soo Bartay
Waxaan kale oo aan si Gaar ah ugu mahad naqaya Cid kasta oo Gacan dhaqaale ka Gaystay Labadaas Dugsi Sare Haday yihiin Qurubo jooga Deeganadaas ,Ha,adaha,Gudomiyaha Ha,ayada Imitixaanada Qaranka , Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Garas ,Odayaasha Deegankaas, Gudomiyahayasha Deeganadaas iyo Maamulka Goboka saaxil iyo Degmada Berbera
Waan ku mahad santii Gacan Qabashada aad Gacan Qabateen Ardaydaas iyo Macalimiintoodba Waxaan idinku Boorinyaa Cidkasta oo hore uga Qayb qaadan jirtay iyo Cidkastoo Danaynaysa Waxbarashada Deeganadaas in sii laban laaban Waxqabadkood halkaasna ka sii Wadan
Waxaan iyana Hambalyayanayaa Ardayda labadaasi school oo Dadaal wayne muujiyaya Waxaanan leeyahay Waxbarashadiina halkaas ka sii wada
Gabagabadii Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Waxaa Uu Sheeg In sanadkan ay muujiyeen dhaaman Arday Dugsiyada Sare iyo Kuwa dhexeba ay Dadaal muujiyaan Meel Fiican ay ka Galeen Imitaaxanadkii Shahaadiga ah ee Dalka Ka Dhacay Dadaalkan Haalkaas ay laga wadayaa
Allah Mahad
Gudoomiyaha Wabarashada Gobolka Saaxil
Ibraahim Digaale Maxamed
COMMENTS
|