Xukuumadda Madaxweyne Cirro oo Gabi Ahaanba Joojisay Cashuur Dhaaf Loo Samayn Jiray Ganacsato Gaar Ah.
January 17, 2025 - Written by admin
Somaliland Sanadihii ugu dambeyeey waxa la sameeyey Cashuur dhaaf lagu qiyaasay 42 Milyan oo Dolar.
Akhriso Qoraalkan hoose oo uu qoray Abdirahman Mohamed Ibrahin
Todobadii sano ee u dambeeyey isku celcelis waxa sanadkaste la sameeyey cashuur dhaaf u dhigmayey $42 milyan oo dollar, sida uu Wasiirka Maaliyaddu maalin dhaweyd u xaqiijiyey Gudiga Dhaqaalaha ee Gollaha Wakiillada oo uu hortagay. Cashuur dhaafkaas badankiisu ma aheyn mid waafaqsan sharciga, waxayna ugu darneyd labadii sano ee u dambeeyey.
Intaa waxa dheer, baxnaanada cashuureed iyo cabiraado cashuureed oo si doorbidan loogu sameeyey ganacsato dhawr ah.
《》Tusaale: ganacsade keena alaab ayaa isaga alaabtiisa loogu cashuurayey cashuur 80% ka hooseysa tii rasmiga aheyd, halka ganacsatada dhigiisa ahna, cashuurta rasmiga ah laga qaadayey.
《》Waxa kaloo jiray ganacsade nooc ka mid ah alaabaha uu soo dejiyo, cashuur dhaaf loogu sameynayey markuu Itoobiya u sii gudbinayo, halka ganacsatada dhigiisaha ah ee isla alaabtaa soo dejinaysana laga cashuurayey.
Alla muxuu Wasiirkii Wasaaraddaa soo maray nin wanaagsan oo u qalma in la amaano ahaa!