berberatoday.com
Afhayeenka Waxbarashada Oo Tix Iyo Tiraabba Kaga Jawaabay Eedaymo Kaga Yimid Agaasime Shaqada Laga Joojiyey
August 13, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, ayaa ka jawaabay eedaymo uu Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo shaqada laga joojiyey u jeediyay.

War-saxaafadeed uu Afhayeenku soo saaray Maanta, ayuu ku sheegay inaanu jeclayn inuu dhex galo khilaafka u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee uu shaqada ka joojiyey, laakiin Agaasimuhu aanu eedaymihiisa ku koobin Wasiirka, balse uu isagana eedaymo aanu xaq ugu lahayn u jeediyay.

War-saxaafadeedka Afhayeenka oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan, “Maan jeclayn inaan ka dhex muuqdo, waxna ka yidhaahdo, ismaandhaafka maamul ee ka aloosan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, maadaama oo uu doorkaygu ahaa odaynimo, dhexdhexaadnimo iyo wax-isku-soo-dhoweyn. Waxa se igu kallifay inaan hadlo ereyo xanaf iyo xajiin leh oo igaga yimid Agaasimaha Guud ee shaqada laga joojiyay.

Halkii ay ahayd in haddii uu jawaab ka fursan waayay uu ku koobnaado eedaha Wasiirku shaqada kaga joojiyay, wuu qardo-jeexay waxaanu uu isku qaaday meelo kale, isaga oo igu eedeeyay inaan saxaafadda u qaybiyay wareegtada shaqo-joojintiisa. Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanay jirin meel aan warbaahinta wareegtada ugu qaybiyay iyo meel Wasiirka Waxbarashadu arrintaa iigu xilsaaray toonna. Waa halkii Hadraawi e, aan idhaahdo:

“Afartaa xan durugtiyo,

Danni jira wax-sheeggii!”

Waxa kale oo uu Abiib ii aflegaaddeeyay si shakhsi ah, isaga oo si qaawan oo anshax-darro iyo cunfi ka muuqdo iigu sheegay “Afhayeen yar oo daydanimo reeraysan ku curyaamay”. Ugu horrayn, luqadda aad ku hadashay ee liidata tu la mid ah kuuguma jawaabi karo, waayo, waxa taa ii diidaya damiirka xalan iyo garashada suubban. Waxa kale oo muuqata in muhmal kaga jiro xilkayga oo aan ahayn afhayeenka Wasiirka, balse ah Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada oo ay masuuliyaddiisu dhex tahay guud ahaan Wasaaradda.

Waxa uu yidhi “…daydaynimo reeraysan ku cuuryaamay…” Anigu reernimo kuma dhaawacmin, qaddiyadda dhaawacayguna waa mid 15 jirsatay oo ku beegnayd August 23, 2001. Sidaas darteed, waa qaddiyad qaangaadh ah oo aan bulshada ka qarsoonayn.

Haddaba, aniga oo aan ku talax tagayn waxa aan si guudmar ah u sawirayaa dhawr dhacdo oo dareen gaar ah mudan. Tiraba dhawr shir oo aynnu ka wada qaybgalnay waxaad ku tiraabtay “miyaanay wax layaab leh ahayn in aniga oo Kulmiye ahaa uu qof UDUB ahaan jiray ii taliyo” adiga oo u jeeda Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Waxa hadalladaadaas iiga muuqatay in aad moog tahay in Madaxweynaha Jsl Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu Madaxweyne yahay UDUB, Kulmiye, UCID iyo Waddani intaba, isla markaana hawlshan aynnu haynaa tahay tu qaranka oo dhami leeyahay ee aanay ahayn hawl kooxeed iyo mid xisbi toona.

Waxa kale oo aad mooggan tahay in Wasiirka aad eedaynaysaa uu 25 sanno ku hawlanaa nabadaynta iyo dibuheshiisiinta qaran ee Somaliland, isla markaana uu xuquuq taada ka weyn ku leeyahay guud ahaan dalka iyo dadka.

Waxa kale oo aad mooggan tahay in Madaxweynaha Jsl Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, iska dhaaf xisbiyada ku tartamaya talada Somaliland’e, uu hadh iyo habeen ku hawlan yahay soo-xero-galinta Somalilanders-ka ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland sida Awdal State iyo Khaatumo, maadaama ay masuuliyaddiisa ugu mudani tahay hoggaaminta, isku-wadista iyo ilaalinta midnimada guud ee shacabka Somaliland, oo aanu beesha dhexe iyo Xisbiga Kulmiye oo qudha ah Madaxweyne u ahayn. Haddii se aad adigu fikirkaaga qabto, waxaan kaa leeyahay ereyadii AHN Abwaan Cabdi Iidaan Faarax: “Adigiyo intii kula qabtaa, qaraf ma goysaan!”

Waxa qaranka ceeb ku ah in lagugu abaalmariyay eygii Wajaale ee calanka UDUB aad sudhay, iyada oo ay shareecadu bannaysay in qofka ey taabtaa ku daahiri karo uun toddoba goor oo ciid ah iyo hal mar oo biyo ah. Illeen intaas oo goor baad Wasaarado soo qastay oo waxaad maraysaa digreetadii shanaad ee khilaaf meel lagaaga kaxaynayo e, waxaan is idhi ma xukuumadda ayaa arrinkaas iska bedaysa oo xilalkani badani waa daahirinta nijaastii eyga? Mise xisbiga ayay dantiisu ku jirtaa in la dhiirrigaliyo hab-dhaqankaaga silloon ee dawladnimada liddiga ku ah?

Waxaad dhawr jeer si dadan iyo si daalacanba u tidhi cid kasta oo ay isir wadaagaan Xuseen Axmed Caydiid waan ka murugoodaa, maadaama uu si xun shaqada iiga joojiyay. Anigu se luqaddaa kugulama hadlayo oo kuuma arko nin beel, qoys iyo xisbi midna metali kara. Waxa  dhab ah in ay calaamad-su’aal saaran tahay in aad xataa si sharaf leh u meteli karto shakhsiyaddaada qof ahaaneed.

Cabdillaahi (1)

Haddii aad u aragto inaad xuquuqo dheeraad ah ku helayso ahaanshahaaga beesha dhexe iyo xisbiga Kulmiye, oo aad ku celceliso in Wasiirku reer Awdal yahay oo UDUB ahaa, taasi ma aha mid qarannimada u adeegaysa oo socon karaysa.

Ugu dambayn, Abiibow, Ama sharciga iyo garashada ayaa ku qaban ama sidaad ku celceliso waxaad noqon nin beeshiisu haysato xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo aan cidi loodin karin. Waxaynnu ka dhursugaynaa go’aanka ay Madaxtooyada ku qaabisho qaladaadkaaga tirobeelka ah.

“Gurracnaanta qiil lagu saxoo loo gudbaa jira’e

Gudboonaantu way daalisaa ruuxa meel gurrane

Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac ugu jiido

Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi-furan keeno

Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero

Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan

Runta wuxu u guul-guulayaa way gun-dheer tahaye

Goldaloolo qudha maaha iyo goonnidaa taliye

Ged aan loo filayn baa jirtiyo geel-la-daaq kale!” – GUDGUDE, Hadraawi.

Halkan Ka Eeg Hadalka Agaasimaha Uu Afhayeenku u Jawaabayo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews