berberatoday.com
Xarumihii Wasaaradaha Somaliland Oo Shaqadoodii Gabay maxaad Ka Fiilankartaa Gobolada ka baxasana’’Warbixin xaalada Dhabta Ah Ee Ka Jirta Wasaaradaha Oo Taxane Ah. Qaybtii afraad
August 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaynu hore u soo wadnay intii la a socotay Warbixino ku saabsan wasaaradaha dawlada Somaliland sida ay shaqadoodii u gabeen isla markaana masuul kasta oo heer wasiir,ku xigeen ilaa Agaasime Waaxeed ay isu siiyeen wasaarada uu mid waliba joogo,waxaana ii suurto gashay in mudo ah oo an ku sugnaa Magaalada hargaysa inaan mid mid u galo uguna kuur galo inta badan Xarumaha Wasaaradaha Somaliland oo badiba wax yar uun u jira Aqalka looga taliyo dalka. Warbixintani waxay ka daaha ka faysaysaa oo muuqaal ka bixinaysaa baahida ay dadawayanaha iyo dalkuba u qabaan cid hanata shaqada ay gabeen badidaba madaxda loo igmaday xafiisyada heer wasiir ilaa Agaasime, hadaba waxaynu maantana kusoo qaadanaynaa,dhawr wasaaradood. Wasaarada Khayraadka Biyaha ayaa iyana ka mid ahayd sagaal iyo toban wasaaradood ee aan mid mid u galay si aan ugu war helo qaabka ay u gudanayaan masuuliyiinta wasaaradahaasi,tiroba laba subxood ayaan wasaaradaasi kormeer ku tegay laakiin waxa wasaaradaasi,subax ka mid ah joogay kaamboolka wasaarada Agaasimaha wasaarada Biyaha oo Subaxaas isna ka qayb galayay siminaar,halka wasiirku wasaarada Biyuhu aanu ku sugnayn,waxyaabaha aan wasaaradaasi ku arkay waxa ka mid sida ay shaqaaluhu ii sheegaan inan uu dhalay wasiirka wasaaradaasi oo aan wasaarada wax shaqo ah ka hayn oo lagu Magacaabo Xasan Baashe ayaa had iyo jeer rabash ka sameeya isla markaana dhibaato iyo dagaal ku haya Shaqaalaha wasaaradaasi ka dib marka uu soo sarkhaamo,inan uu dhalay wasiirku oo xasan la yidhaahdo ayaa subax dhawayd khatar na galiyay intuu soo sarkhaamay sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi Biyaha. Wasaarada Maaliyada oo ah dhuunta Dhaqaale ee dalkan Curdinka ah ee Somaliland ayaa ah wasaarada ugu dhaw Xarunta Madaxtooyada looga arimiyo dalka waxaanay ku dhegantahay Aqalka Madaxtooyada dhiniciisa galbeed,Subaxaasi oo saacadu ahayd ilaa Tobankii subaxnimo ayaan ilaa wasiir ku xigeeen ilaa agaasime midkoodna aanu ku sugnayn wasaaradaasi,midna ma joogo sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah ilaalada wasaaradaasi’’wasaaradani ayay iyana dhibaatooyinka ay iisheegaan dadkii ka ag dhawaa waxa ka mid ahaa shaqsi ku leh awood dheeraada isla markaana waraaqaha wasaaradaasi ay adagtahay in ay kaaga soo baxdo ilaa aad dhibaato kala kulanto mooyaane,waa inan gabadh lagu magacaabo Bahja oo iyadu xisaabaadka joogta,wasaarada waxaa haysata Gabadh la yidhaahdo Bahja,sidaa waxa yidhi muwaadin ka hadlaayay dhibaatada ka jirta Wasaaradaasi. Wasaarada xanaanada Xoolaha Masuulka ugu sareeya wasaaradaasi aan idiin tilaamaamee waa wasiirkii Hore ee wasaarada Warfaafinta Maxamed Daahir Cukuse kaasi oo can ku ah inaanu inta badan kazoo xaadirin wasaarada uu masuulka ka yahay isla markaana marka uu dhawr casho joogo ayaa laga yaaba inuu maalin cagta soo galiyo wasaarada’’Agaasimihii Guud ayaa jooga,wasiiru dawlihiina malaa magaalada ma joogo,cukusene waxaa laga yaaba inuu maalin nasoo salaamo oo ma yimaado oo meelahan Madaxtooyada ayuu joogjoogaa’’Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha,sidoo kale waxan iyana wasaaradaasi joogin wasiir ku xigeenkii iyo wasiiru dawlihii waxaanay dadwaynaha reer Somaliland iyo shaqaaluhuba ku nisbeeyeen Madaxda ka maqan wasaaradaasi inuu horseed u yahay wasiirka caanka ku ah inaanu daacad u noqon shaqadiisa wasiirnimo,wasiir cukuse dawladu waxay u haysataa hadalkayo cid loo jawaabayo, xataa Degaanka uu metelo wax saamayn ah kuma laha sidaas waxa yidhi Muwaadin ka hadlaayay Wasiir Cukuse. Lasoco

 

 

Axmed muuse Maxamed(Sakaaro)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews