Madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Iyo Raisal Wasaaraha Dalka Imaaraatka
February 12, 2025 - Written by admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubia.
Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐧𝐬𝐨𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐧 𝐙𝐚𝐲𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐥 𝐍𝐚𝐡𝐲𝐚𝐧 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey Madaxweynaha JSL si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.
Madaxweynaha JSL waxa uu madaxda Dawladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad iyo mudnaanba u leh labda dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, arrimahaasina waxa ka mid ahaa:
Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo ka wada shaqaynta Xasiloonida Mandaqadda. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabtu kala Hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha Amniga, gaar ahaan Xasiloonida Marrin Biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.