Askarta Israel oo Waajahaya Xaalad Nafsiya oo Maskaxeed Qaarkoodna Waali Ka Qaaday Dagaalada Ismiidaaminta Ah ee Falastiiniyiinta Mitidka Ah
February 12, 2025 - Written by admin
Sida uu telefishinka Al Jazeera, ka soo xigtay wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth; Askari hore oo ka tirsanaa ciidanka Israa’iil ayaa maanta ka gudbay aagga difaaca ee ciidanka Israa’iil ay ka ilaaliyaan Qasa, isagoo ku qeylinaya ‘Allaahu Akbar”, markaa oo ay ciidanka Israa’iil ku fureen rasaas gaadhsiisay dhaawac culus.
Warbixinta waxay sheegtay inuu askarigan hore doonayay inuu is dilo, sabab la xidhiidha xaalad nafsi ah oo maskaxeed oo horey dagaalka uga qaaday.
Fiiro gaar ah;
Wax ka badan 30% askarta Israa’iil, ayaa horey loo sheegay inay wajahayaan xaalad maskaxeed, taa oo qaarkood ku khasabtay inay nafta is dhaafiyaan oo isku dhex dilaan Qasa iyo meelo ka baxaan muddada uu dagaalka socday.