Ciidamada Difaaca Putland oo Masaafo Kooban Ku Ururiyay Dagaalamayaasha Daacish
February 14, 2025 - Written by admin
Kooxda Daacish ee dagaalamaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa hadda kusoo ururtay dhul masaafo ahaan ku fadhiya 40km. laakiin, dhulkaas 45km ah ayaa buuro kaliya ah, sida ay caddeeyeen hay’adaha amniga Puntland.
Cabsi iyo kala shaki weyn ayaa lasoo darsay Soomaalida iyo ajaanibta ku sugan talisyada Daacish.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa caddeeyay in mar dhow ay ciidamada awoodi doonaan in ay gaadiidkooda dagaalka kula dagaalamaan Daacish, taasoo keeni doonta in waqti dhow lasoo afjaro kooxda Daacish. Wuxuu sheegay in ciidamadu ku guulaysteen inay kasoo gudbaan dhulkii ugu dhibka badnaa ee lagu dagaalamo.
Xogo aan ka helnay sirdoonka Puntland ayaa sheegaya in ajaanib badan oo markii hore si xoog iyo cabsi galin ah lagu galiyay Daacish ay haatan isku dayayaan inay baxsadaan oo ay isku soo dhiibaan ciidamada Puntland.