berberatoday.com
Halkan Ka Dheeho Wararka Xukumada ee Todobaadkan oo Lasoo Koobkoobay
February 15, 2025 - Written by admin
1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maalintii 5-aad ku guda jira Safarka shaqo ee uu ku joogo Dalka Midowga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Dekedda ๐ƒ๐ž๐ข๐ซ๐š ๐€๐ฅ ๐—๐š๐ฆ๐ซ๐š ee Dubai, Dekedaasi oo ka mid ah Dekadaha ugu muhiimsan ee ay Ganacsatada reer Somaliland wax ka soo dhoofsadaan, ganacsigooduna uu ka goosho.
2.Fadhigii 9-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
3.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ).
4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025, ee ka socda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
5.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay ๐’๐ก๐ž๐ข๐ค๐ก ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐ž๐ ๐๐ข๐ง ๐‘๐ša๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐€๐ฅ ๐Œ๐š๐ค๐ญu๐ฎ๐ฆ oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubia.
6.Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro oo socdaalkiisii ugub horeeyay ee gduaha dalka ku tagay xarunta gobolka Haw dee Bali gubalde ayaa dhagax dhigay wadada isku xidhi doonta magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle
7.Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane- Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa daahfuray mashruuca Daawaynta Xoolaha oo ay fulinayso Wasaarada Xanaanada x oolaha iyo horumarinta reer miyiga JSL
8.Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Axmed yasin Sheekh Cali Ayaanle ayaa shir jaraaโ€™id o ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta waxa uu kaga hadlay guulaha kasoo hoyday safarka madaxweynaha ee dalka Imaaraadka Carabta
9.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska JSL ayaa Xafiiskiisa Kulan Kula qaatay masโ€™uuliyiin sare oo ka socday Hayโ€™adda AFRICAN RElEF COMMITTEE,
10.Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeer ku tagay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Dowladda(BOT – Berbera Oil Terminal) gaar ahaan haamaha cusub ee kaydka shidaalka diyaaradaha oo dhismahoodu marayo heer gabo-gabo ah,
11.Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa shaacisay u diyaar garawga is reebreebka tartanka Quraanka kariimka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda, kaasoo wajigiisa hore uu ka bilaabmayo dhamaan gobollada dalka ee waaweyn
12.Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa kulan dardaaran, ambabixin iyo wacyigelin ah u qabatay 80 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya
13.Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Jawhar Siciid Warsame iyo Xubno kamida madaxda Wasaaradda ayaa Kormeer shaqo ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
14.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa kormeer ku soo maray xarunta dhexe ee Jaamacadda Hargeysa.
15.Wasiirka Wasaaradda Xannaannada Xoolaha iyo Horumarinta Miyiga Mudane Cumar Shucayb Maxamed ayaa Xarunta Wasaaradaas kulan kula qaatay daneeyayaasha Hilibka, Hargaha iyo Saamaha.
16.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa furay shir dib u eegis lagu samaynayo ansixinta siyaasada waxbarashada baahiyaha gaarka ah.
17.Agaasimaha Guud ee Wasaarad Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wecyigalinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale ayaa ka war bixiyay safarka shaqo ee Madaxwaynaha Somaliland uu ku tagay Gobalka Hawd, islamarkaa lagu Dhagax dhigeyo Hirgalinta Waddo Cusub ee Baligudable illaa Hargeysa.
18.Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo sayniska ayaa qalab kala wareegay hayโ€™adda Unicef, qalabkaas oo loogu talo galay in buugaagta iyo waraaqaha loogu daabaco ardayda araga naafada ka ah
19.Guddida heer Qaran ee Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), u magcaabay Qiimaynta Khasaaraha iyo Taakulada Dabkii Suuqa iddaacada, ayaa kulankoodii labaad maanta ku yeeshay Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka JSL.
20.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa soo gabogabeeyey, kulanka sannad laha ah ee dib u eegista hawlaha talaalka ee ka socda gobollada iyo dagmooyinka dalka iyo qorshaynta sannadka 2025.
21.Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta hayโ€™adda pharo Foundation
๐•Ž๐•’๐•ฉ๐•’๐•Ÿ ๐•ค๐• ๐•  ๐•ฆ๐•ฃ๐•ฆ๐•ฆ๐•ฃ๐•š๐•ช๐•’๐•ช ๐•ฉ๐•’๐•—๐•š๐•š๐•ค๐•œ๐•’ ๐••๐•’๐•“๐•’๐•˜๐•’๐•๐•œ๐•’ ๐•จ๐•’๐•ฃ๐•’๐•ฃ๐•œ๐•– ๐•–๐•– ๐•จ๐•’๐•œ๐•’๐•’๐•๐•’๐••๐••๐•’ ๐•จ๐•’๐•ฃ๐•’๐•ฃ๐•œ๐•’ ๐•–๐•– ๐•Š๐•†๐•ƒโ„•๐”ธ Somaliland News Agency
May be an image of text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews
 
 
 
๏ปฟ