Dagaal 12 Ruux Ku Qudh Baxeen oo Udhexeeya Laba Jufo oo Kasoo Wada Jeeda Beelaha Warsengeli oo Ka Dhacay Dooxada Dureere ee Waqooyiga Ceerigaabo
March 10, 2025 - Written by admin
SANAAG: Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badan wey ku dhaawacmeen shaqaaqo beeleed ka dhacday Dooxada Dureere oo u dhaxaysa magaalooyinka Damalla-xaragge iyo Shimbiraale ee degmada Ceerigaabo.
dagaalkan ayaa udhexeeya laba beelood oo kasoo wada jeeda beelaha Warsengeli oo deegaankaas wada daga,
Mas’uuliyiinta gobolka Sanaag ayaa gaadhay deegaanka isla markaasna kala qaaday labada dhinac oo khilaafkoodu salka ku hayo dhul-daaqsimeed.