Qiimaha Shiidaalka oo Hoos Udhacay Aduunka
March 11, 2025 - Written by admin
Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay 7% marka loo eego qiimihii uu joogay toddobaadkii hore, iyada oo hadda uu marayo $66 halkii foosto, halka uu horey u ahaa $71, hoos u dhacan ayaa lagu sababeeyey in ay ugu wayn yihiin in;
Ururka OPEC+ ayaa qorsheynaya inuu kordhiyo wax soo saarkiisa shiidaalka bisha Apriil oo sababi karta in ay suuqa soo gadho xaddi badan oo shiidaal ah oo hoos u dhigi karta qiimaha, waxay sidoo kale saameyn ku yeelan kartaa xasiloonida suuqyada shidaalka ee caalamka.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu kordhin karo cunaqabataynta Ruushka haddii aysan oggolaan heshiis xabbad-joojin ah ee Ukraine.
Waxaa sidoo kale jira welwel ku saabsan hoos u dhaca dhaqaalaha Shiinaha, kaas oo saameyn ku yeelan kara baahida suuqa shidaalka. Shiinaha, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee isticmaala shidaalka, haddii uu hoos dhaco dhaqaale ahaan, waxaa laga yaabaa inuu yareeyo dalabka shidaalka.
Si kastaba ha haatee qiimaha shidaalka adduunku isaga oo hoos u dhacay, wali saameyntiisa lagama dareemayn suuqyada Soomaalida, oo wax isbadal dhanka qiimaha ah lagama arag.