Wasaarada Maaliyada oo Beenisay Inay Cashuuro Kusoo Rogtay Adeegyada Zaad Iyo Edahab
March 11, 2025 - Written by admin
Xukuumada Somaliland, ayaa beenisay in cashuuro ay kusoo rogtay lacagaha layskugu diro (Zaad iyo Edahab)
Wasarada Maaliyadda JSL oo beenisay in la cashuurayo wax iibsiga Lacagaha laysugu diro ee kala ah ZAAD Iyo Edahab
Bulsho weynta ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland waxaan halkan ugu cadaynaynaa in Cashuurta GST-gu ay la xidhiidho Iibsiga Adeegyada iyo Badeecadaha, adeegyada Isgaadhsiinta ee cashuurtaasi ay ku dhici doontaana ay yihiinkuwan hoos ku xusan:-
• Ku shubashada Lacagta ku hadalka ee Mobile-ka (Airtime).
• Internet-ka Mobile-ka (Mobile Data).
• Internet-ka Xafiisyada/Guryaha.
• Adeegyada kale ee Isgaadhsiinta ee Shirkadduhu bixiyaan.
Ugu danbeyntii waxaanu halkan ku iftiimaynaynaa in Xukuumadda JSL ay dedaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha dalka, korna loogu qaadi lahaa Dakhliga Dawladda, si loo horumariyo adeegyada Dawladda, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya dhaqaalaha Wadanka.