berberatoday.com
Shalay: Furitaankii Shirka Beesha garxajis , Badheedhihii Garawshiiyaha, Isa Saamaxa, Doodihii Dhacay Iyo Filashada Maanta
August 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

 

Hargaysq (Berberatoday.com)_ Shirweyne ay ka qaybgalayaashiisu kor u dhaafeen 300 ergay oo ka kala socday beelaha Ismaaciil Sheekh Isaxaaq(Garxajis), oo socon doonna muddo laba maalmood ah ayaa shalay ka furmay magaaladda Hargeysay , isla markaana shirkan oo ah mid dhaqan ayaa la sheegay in dooddiisu ku bilaabatay qaabkii loogu tala galay oo ahaa isturxaan saaris iyo is laab xaadhasho dadka beelaha dhexdooda ah.
Shirwaynahan oo amaankiisa ay aad u ilaalinayeen ciidamadda Boolisku, isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimay goobta uu ka socdo iyo qaabka loo qorsheeyay hab maamuus ahaan ka qaybgalkiisaba, fadhigiisii shalay waxa dibad joog ka ahaa saxaafadda, telefoonadda gacanta iyo kamaradaha ayaa iyana aan la ogolayn. Inkastoo la sheegay in war murtiyeedka rasmiga ah ee shirkaasi soo bixi doono maanta, haddana siday Ogaal u sheegeen illo u dhuun dalloolay shirkaasi, waxa madashii furitaanka ee shalay lagaga hadlay arrimaha dhaqan iyo wada noolaansho ee dadka beelahaa iyo dadka kale somaliland ee ay wada dhaqan yihiin waxna wada leeyihiin. Warku wuxuu intaa ku daray in halkaa ay ka hadleen madaxda dhaqanka, odayaasha iyo waxgaradka beelahaasi, isla markaana layska laab xaadhay, laguna kala gar qaatay wax kasta oo ay gudahoodda isu tirinayeen beelahaasi, kaasoo ahaa ajandaha ay beelahaasi u qabsadeen shirkaa.

garxajis
Ilahaasi waxay intaa raaciyeen, in ergooyinka shirkaasi gar iyo garowshiinyo buuxa oo ay iska siiyeen wixii hore dhexdooda uga dhacay kadib, halkaa lagaga dhawaaqay in beelaha Garxajis ay gudahoodda iska saamaxeen wixii ay kala tirsanayeen nooc kasta oo uu ahaaba, sidoo kalena ay wadajir ugu dhawaaqeen in sidaa ay dhexdooda isu saamaxeen si la mid ah ay u saamaxeen cid kasta oo wax ka haysay oo ka mid ah waa siday ilahaasi hadalka u dhigeene, beelaha kale ee ay walaalaha yihiin ee Isaaq iyo beelaha kale ee Somaliland iyo guud ahaan dadka reer Somalilandba. Mid ka mid ah ergadda shirkaa ka qayb gashay oo aanu wax ka waydiinay arrintaasina wuxuu yidhi; “Garaxajis wuu garnaqsaday, wuu isu garaabay, wuu isa saamaxay, beelaha kale ee aanu walaalaha nahay ee Isaaq iyo beelaha kale somaliland ciddii kale ee wax ka haysayna wuxuu saamaxay. Iscafis, isa saamax, nabad, wada noolaansho, midnimo iyo in la wada ilaashado somaliland wuu ugu baaqay.” Shirkaa oo loo bixiyay “Shirka Tol Wanaaje ee beelwaynta Garxajis” wuxuu furmay 8:00 subaxnimo ee shalay, waxaanuu socday ilaa 4:00 galabnimo, isla markaana waxa la sheegay in maanta oo ah maalinta labaad ee shirka, ahna maalinta uu soo xidhmayo uu socon doono intaa in le’eg. Siday tibaaxeen illaha aanu xogahan ka soo xiganay madasha maanta way ka duwanaan doontaa tii shalay, isla markaana waxa ka qayb gelaya madax dhaqameedka beelaha kale ee Somaliland iyo Xukuumadda oo lagu martiqaaday. Hase yeeshee xisbiyadda siyaasadda ee sadexda ah ayaa xogahaasi tibaaxeen, in aanay qayb ka ahayn marti sharafta lagu marti qaaday ee ka hadli doonta madashaa.
Geesta kale furitaankii shirkaa ee shalay waxay madaxda dhaqanka iyo shir gudoonka shirkaa oo todoba xubnood ahi aad ugu mahad naqeen xukuumadda somaliland doorkii ay ku lahayd qabsoomida shirkan, isla markaana waxa qayb ka ahaa wacdi, waano, wax isu sheeg iyo is xasuusin cabsida Eebbe iyo sidii loo beegsan lahaa somaliland mid ah, xaq isugu garawda, midnimo iyo isku duubni ku dayctirta baylahdeedda, ku ilaashata qaranimaddeeda, iskagana xijaabta belaayadda. Dhanka Siyaasadda waxa la sheegay inay halkaa hadalo kooban ka jeediyeen Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Siciid Sulub, isla markaana waxay labaddooduba ergooyinka u sheegeen, in aanay ku mashquulin danta gaarka ah ee siyaasiga, balse ay xoogga saaraan horumarinta danaha beesha iyo danta guud ee somaliland. Wararku waxay intaa ku dareen, fadhigii shalay ee shirkaa lagu doortay guddi 21 xubnood ah oo hogaamin doona beeshaa, kuna hagi doona arrimaha horumarinta, dhaqanka, wada noolaanshaha iyo iskaashiga umadda reer somaliland. Shirkan waxa ka maqnaa Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir iyo Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), hase ahaatee, siday xogahaasi tibaaxeen, badheedhaha madashaasi wuxuu ahaa, in cid kasta oo saluugsanaydba ay ku qanci doonto maxsuulka ka soo baxay oo lagu dhawaaqi doono maanta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews