Nin Boqol Maalmood Ku Nool Wadne Gacanta Lagu Sameeyay
March 13, 2025 - Written by admin
Nin u dhashay dalka Australia ayaa noqday qofkii u horeeyey dunida ee muddo ka badan 100 maalmood la noolaada wadne gacanta lagu sameeyey oo macmal ah (artificial Heart) oo lagu rakibay, kadib markii laga saaray wadnihihiisii caadiga ahaa.
Wakaaladaha wararka caalamka ayaa maanta qoray in ninkan oo 40 sanno jir ah, wadne la sameeyey lagu xidhay 22 November 2024, isagoo wadnahaasi macmalka ah la noolaa muddo 105 maalmood ah, waqtigaasi oo uu sugayey in loo helo wadno bani’aadan oo loogu deeqo oo beddela wadnihiisa xumaaday.