Xildhibaan Kasoo Jeeda Gobolka Awdal oo Laga Caydhiyay Baarlamaanka Dawlada Xamar uu Kamid Ahaa
March 15, 2025 - Written by admin
Guddoonka Baarlaamanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib uu lumiyey kursigii uu ku fadhiyey oo sumaddiisu ahayd 201 kaa soo hadda ka dib loo dooranayo qofkii buuxin lahaa, iyada oo guddoonku sababta ku sheegeen in uu soo xaadiri waayey kal-fadhiyadii Golahaas.
Dr Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ka mid ahaa xildhibaannada ugu aqoonta badan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal ayaa muddooyinkii u dambeeyey si weyn u dhaliilsanaa hab maamuulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo marar badanna dunida u gudbiyey arrimaha ka socda gudaha Soomaaliya gaar ahaanna dhaliilaha madaxweyne Xasan Sheekh.