berberatoday.com
Burco”Ganacsade Karaatoon Biyaha Ah oo Laga Iibsaday Lagu Soo Celiyay Iyagoo Khamri Ku Jiro
March 15, 2025 - Written by admin
Magaciisu waa Cilmi Jaamac Cawad. Waa ganacsade reer Burco ah oo haysta bakhaar uu Ilaahay u kala kiciyay oo waxwalbahaye ah oo SAFAANA la yidhaahdo. 16-10-2024 ayaa bakhaarkiisa waxa soo hor istaagay gaadhi Wantan ah ama Shan iyo labaatanle ah sida ay reer Burco u yaqaannaan. Gaadhiga muraayaduhu way u wada dallacanyiin oo waa madaw. Dhanka shishe ayaa waxa ka soo degtay gabadh xijaab madaw. Waa gabadh qaab ahaan dhuuban. Afka waxa ugu xidhan afsaab(mask). Waxa jooga meheradda Cilmi iyo wiilashii u shaqaynayay. Waxa ay ka iibsatay Saddex kartoon oo biyo ah (Saxansaxo). Markii ay lacagtoodii bixisayna wiilkii ayaa la’guray oo gaadhiga la gaadhsiiyay. Inyar ka dib iyaga oo aan dhaqaaqinba ayay laba kartoon soo celisay oo tidhi sharaab iigu beddela.”arday qalinjabinaysa ayaan u gaynaayay biyaha, oo way ila hadleenoo, waxa ay yidhaahdeen biyaha kartoon qudha nooga dhig inta kalana sharaab”. Shiddaba ma jirine, dee way ugu beddeleen. Lacagta gacanta ayay ku sidatay oo $20 oo kaash ah ayay ahayd. Hadhaagiina waxyaabo yaryar ayay ku qaadatay. Dabadeed way iska tageen.
Haddaba aan dib kuu yara celiyee, ninkan Cilmi, mar sii horraysay ayuu ilmaadeerradii oo is-haysta dad kala dhexgalay ka mid ahaa. Ilmaadeerradii way badan yihiin, hanti balaayiin ah oo aabbohood uga dhintay ayay isku haystaan. Guddidii dhexdhexaadinta ee ilmaadeerradii, kuwii ugu hadalka caddaa ayuu kow ka ahaa. Mid ka mida raggaas is haystay oo malaha fardheeraatay aahaa ayuu wax badan runta indhaha u saaray. Wixii uu isku soo toostoosistayna ka kala daadiyay. Dabadeed shaw wuu u ciilcunay. Wuxuu ku isku qanciyay in ninkan wixiisu dhexdhexaadin ka badan tahay ee uu isaga u danleeyahay.
Waa kaas u fekeray, ee maskaxda wareejiyay.
Waxa u soo baxday in uu soo gebagabeeyaba addoonkan soo indhacaddaynaya. Nafar ay wax isu yihiin ayuu u yeedhay. Wuxuu ku yidhi hawl ii qabo, qabaxdaadana i waydii. Intay ahayd garan maayee adigu waa la heshiiyay. Dabadeed wuxuu bilaabay in mashruucii loo diray uu soo fuliyo. In uu isagu keligii hawsha gacanta ku fuliyo ayuu ka maagay. Waxa uu sheekada ku soo daray gabadh iyo nin kale. Dabadeed waa kuwa gaadhigan Shan iyo labaatanlaha ah soo kaxaytay ee dukaan ka imanaya. Gaadhiga waxa ay ku soo qaateen laba kartoon oo khamri ah. Waa laba kartoon oo kuwii biyaha ah oo caagadaha uun khamri laga soo dhaamiyay. Dabadeed waa kuwii intay saddex kartoon oo biyo ah Cilmi ka iibsadeen labo celiyay. Labadaas ay soo celiyeen ayaa ahaa kuwii ay hore u siteen ee khamriga ay ka soo buuxiyeen.
Markii ay sidaas u dhaqaaqeenba waxa ay waceen laamaha amniga. Gabadhii mooyee labadii nin ee gaadhiga ku jiray ayaa la hadlay. Waxa ay u sheegeen in bakhaarka SAFAANA ee suuqa ku yaallaa haddeer laba kartoon oo Khamri ah lagu rogay oo uu iibinaayo, kartoommada biyahana u eekaysiiyay!
Adigu saacad ka dib ayuu booliski yimi meheraddii. Markiiba baadhitaan ayay ku bilaabeen. Labadii kartoon ee khamriga ahaana waa laga helay. Cilmi iyo saddex wiil oo shaqaalaha ka mid ahaana waa la xidhay. Markii jeelka lagu ammuugay ayay maskaxda dib u celiyeen. “Waar xaggee la innaga soo galay? Sidee ku dhacday? Yaa khamriga innoo keenay?” Waxay ka fekereen sidee khamrigu idinku soo galay. Wiilkii gabadha u shaqaynaayay ayaa soo xasuustay in mar aan fogayn gabadhi biyo ka iibsatay oo laba kartoon ku soo celisay. Ciidammadii ammaanka ayay ka codsadeen in la wanjalay oo ay rabaan in la eego kaamirooyinka meheradda ugu xidhan. Waxa kaamaridda ka soo muuqday sidii ay wax u dhaceen. Dabagal degdeg ah oo la sameeyay ayaa lagu soo
xidhay kuwii ciidanka la soo hadlay.
Saddexdoodii ayaa laamaha sirdoonku waraysteen. Gabadhi waxa ay la soo istaagay “ninka meheradda leh ayaa ii dirsaday, oo inta uu ila soo hadlay igu yidhi ” khamrigaas nimankaas iiga soo iibi $30 ayaan ku siinayaaye” dabeed markii aan ku keenayna $10 qudha ayuu isiiyay anna sidaas ayaan u fashilinaayay ee isaga ayaa ii dirsaday oo anigu dillaal ayaan u ahaa!”
Iyada oo xaaladi jiq tahay ayuunbaa gabadhii la yidhi sheeg lambarkiisa haddii aad hore u wada xidhiidheen. Xoogay ayay gabgab laysay oo jid u saari wayday. Markii dambe ayay qiratay in ninka la xidhani uu hawsha watay iyadana isagu u diray. Waxa uu arrinkii ku biyo shubtay in dhammaantood la soo dirsay oo ninkii ay Cilmi Ilmaadeerka ahaayeen waxan oo dhan soo alkumay. Ujeedku waxa uu ahaa in uu wanjalo Cilmi. Dabeed jeelka u abaado oo xukun dheer lagu rido. Hadhawna isaga hoosyimaaddo. Illeen isagaa soo dhexgalay dagaalka isaga iyo walaalladii u dhaxeeyee.
Cilmi oo markii llaahay ka soo furtay dabinkii warbaahinta la hadlay ayaa yidhi ” waxa noo suura geliyay in aannu ka badbaadno mu’aammaradda intaas leeg ee la noodhigay.
1. Ilaahay oo daacadnimadayada ogaa
2. Kamaraddii ku xidhnayd meheradda
3. Ciidammada booliska oo aannu caddaalad ka hellay iyo
4. Shacabka oo iskaayo barbar istaagay maadaama oo aannay waxaas nagu aqoon”.
Ugu dambayn maxkamadda gobolka waxa la horgeeyay iyaga oo qiraal ah. Ka ganacsi khamri iyo khiyaamana waa lagu xukumay.
May be an image of 1 person

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews