Muhaajiriin Somaliya oo Meydadkooda Laga Helay Xeebaha Dalka Spain
March 18, 2025 - Written by admin
Joornaal kasoo baxa dalka Spain ayaa wuxuu qorayaa in 5 meyd ah ay badda soo tuftay.
Haddii lasii faahfaahiyo afar xeebta Mallorca ayaa laga helay, halna xeebta Formentera. Kullina waa Soomaali sida ay ciidamada Spanishka ah tilmaameen.
Boliiska waxay sheegeen inay filayaan in doonta ay qallibmatay, rakaab ahaanna 27 qof ay saarnaayeen, 5 kamid ah meydkooda haddii la heleyna ay 22 kale maqan yihiin, oo nolol & geeriba aanan lagu heynin.
Dadka la la’ yahay waa 18 rag ah & 4 dumar ah oo Soomaali ah oo doontaasi qallibmatay saarnaa, taariikh ahaanna 20-kii Febraayo magaalada Bumerdés ee dalka Aljeeriya kasoo baxay, dalka Spain-na u socday.
Horay waxaa u jirtay, warbixin ahaanna pagekan aan ugu soo qornay doon kale oo bishii labaad ay 5 Soomaali ah ku dhinteen. Gabar badda ku dhacday iyo 4 wiil oo inay gabadha badbaadiyaan rabay, oo ayagana ay badda qaaday.
Doontaan kale ee danbe ee 22-da qof la la’ yahay waa doon dheeraad ah.
Joornaalka waxaa ku qoran sida caadiga ah in safarka badda ee Aljeeriya illaa iyo xeebaha Spain uu hal maalin qaato haddii ay badda wacan tahay, lkn waa mid halistiisa wata.
Dhanka kale meydadka ay heleen badda ayaa si xun u baabi’isay, oo qaab lagu garan karo muuqaal ahaan ma jirto, balse waxay mid walba ka reebeen caddeen dhacaanka DNA ah, lacalla qof qoyskiisa ah haddii uu yimaado, dhacaankiisa si loogu eego, intii is lehna sidaas loogu sheego.
Subxaanallaah.
Ilaahoow u naxariiso.