Dagaalo Culus oo Kooxaha Falaagada Lagaga Sifeyn Caasimada Khartoum oo Ciidamada Dawlada Sudan Qaadeen
March 20, 2025 - Written by admin
Wararka ka imaanaya dalka Suudaan, ayaa soo warinaya in Ciidanka Militariga Suudaan (SAF) ay ku dhow yihiin inay si buuxda ula wareegaan Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum, kadib dagaallo culus oo ay la galeen maleeshiyada Gurmadka Deg Dega ah ee (RSF).
Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya qaraxyo iyo duqeymo ay fulinayaan ciidamada cirka ee Suudaan, iyagoo beegsanaya bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha magaalada Khartoum.
Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka u dhaxeeya labada dhinac ayaa sababay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh, iyada oo kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalka.
RSF ayaa hore ula wareegtay meelo muhiim ah oo ku yaalla Khartoum, oo uu ku jiro Qasriga Madaxtooyada, balse guulihii ugu dambeeyay ee Ciidanka Qaranka Suudaan ayaa wax badan ka beddelay xaaladda dagaalka.
Tallaabadan lagu xoreynayo Qasriga Madaxtooyada waa qeyb ka mid ah qorshaha ballaaran ee ay Ciidanka Suudaaan ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan caasimadda iyo gobollada kale ee dalka.
Beesha caalamka ayaa si dhow ula socota xaaladda Suudaan, iyagoo ka walaacsan saameynta dagaalka uu ku yeeshay dadka rayidka ah. Wadahadallo lagu xalinayo xiisadda dagaalka ayaan weli miro dhalin, mana cadda sida uu mustaqbalka xaaladdu noqon doono.