Madaxweynihii Ku Meelgaadhka Ahaa ee Gobolka Tigrayga Itoobiya oo Xilkii Laga Qaaday
March 26, 2025 - Written by admin
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyay in Getachew Reda, madaxweynihii ku-meel-gaarka ahaa ee Tigray, xilkii laga qaaday.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Tigray inay doortaan madaxweyne cusub. Tani waxay daba socotaa is-fahan la’aantii siyaasadeed ee ka dhex taagneyd TPLF, oo u kala jabay labo garab ay kala hoggaaminayaan Getachew Reda iyo Debretsion Gebremichael.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in magacaabista madaxweynaha cusub ay ku saleysan tahay dastuurka iyo sharciyada dalka.