Xukumada Somaliland oo Ku Dhawaaqday In Lagu Guulaystay Lana Soo Dhameeyay Qorshihii Qarameynta Ciidamada Madaniga Ah ee Gobolka Sanaag
March 26, 2025 - Written by admin
Xukuumadda Somaliland ayaa ku guulaysatay in la dhammaystiro qorshihii qaramaynta ciidanka Madaniga ah ee Gobolka, ka dib shaqo uu muddo bil ku dhow waday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wefti u hoggaaminayey oo gobolkaas ku sugnaa.
Dhammaanba ciiddamadii la qaraameeyey ayaa loo diray dugsiyada tababarada iyaga oo si toosana ugu biiray ciiddamada Qaranka oo hadda ka dib ay ka tirsanaan doonaan.