berberatoday.com
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo Kulan Nabada Lagu Adkaynayo Ceel Afweyn Kula Yeeshay Madaxda Dhaqanka Gobolada Sanaag,Togdheer,Saraar Iyo Saaxil
April 5, 2025 - Written by admin
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag ayaa magaalada Ceel-Afweyn kulan kula yeeshay qaar kamid ah madax-dhaqmeedka, Wax-garadka, iyo ganacsatada Gobollada Togdheer, Saanaag ,Saaxil iyo Saraar.
Kullankan isaga ah ayaa lagaga wada hadley sidii looga wada shaqayn loona xoojin lahaa danaha guud aynu Qaran ahaan wada leenahay, sidoo kalena in meel looga soo wada jeesto wixii Qarannimada JSL wax u dhimaya.
Kulanka waxa si weyn loogu gorfeeyey arrimaha Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo nabadaynta Ceel Afweyn.
Madax-dhaqmeedka, Waxgaradka iyo haldoorkii maddasha ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday in ay diyaar u yihiin in ay doorkooda ka qataan qorshaha Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee nabada iyo horumarka dalka iyo dadka iyo arrinta nabadaynta Ceel-afweyn iyo weliba qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.
Madaxweyne Kuxigeenka JSL Md. Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadalka soo xidhay ayaa ka hadlay mihimadda ay nabadu u leedahay addamaha, waxa uu u mahad-naqay Madax dhaqmeedka iyo wax-garadka, isoo sheegay in Xukumadda cusub ay ka go’an tahay in ay qaramayso ciidanka madaniga iyo gadiidkooda, Xukuumaduna ay masuulka ka tahay arrimaha amniga dalka iyo dadka iyo difaaca dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in
Xukumadda Wax-qabad iyo Waddajir ay diyaar u tahay xoojinta nabada, midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland.
Ugu Dambeyntii, kulankaasi ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐
๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—” ๐— ๐—”๐—›๐—”๐—— ๐—Ÿ๐—˜๐—›,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews
 
 
 
๏ปฟ