Kalfadhigii 11-naad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta Furmay Iyo Ajandaha oo Loo Qeybiyay Xildhibaanada
April 7, 2025 - Written by admin
Maanta waxaa si rasmi ah xarunta Golaha Wakiillada uga furmay Kal-fadhigii 11aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa waxaa loo qaybiyay laguna ansixiyey ajandaha kal-fadhiga 11aad ee Golaha Wakiilagu uu ku shaqayn Doono kal-fadhiga 11aad.
Fadhigan oo ay ka soo Xaadireen 42 xildhibaan ayaa waxaa cod gacantaag ku ogolaaday in la Ansixiyo Ajandaha 30-mudane halka ay diideen 8mudane kana aamuseen 3mudane Gudoomiyuhuna aanu Codayn sida Caadada ah, sidaana waxaa ku ansaxay Ajandaha Kal-fadhiga 11aad ee Golaha Wakiillada.