Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo Xafiiskiisa Kusoo Dhaweeyay Madaxa Arimaha Bina,aadanimada ee Qaranada Midoobay Mr. George Conwa
April 7, 2025 - Written by admin
Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo uu wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta kulan muhiim ah la Qaatay Madaxa Hay’adaha Qarammada Midoobay, ahna masuulka ugu sarreeya Arrimaha Bini’aadannimada isla markaana ah Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway iyo weftigan ballaadhan ee uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa madaxa Xafiiska UN OCHA Blaise Kabongo Mujika iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska UN-ta ee Somaliland.
Mr. George Conway ayaa wasiirka uga mahadnaqay soo dhawaynta uu ugu sameeyey Xafiiskiisa waxaana uu wasiirka ku amaanay shaqada baaxada leh ee uu qaranka u hayo maadama amaanka somaliland yahay mid laysku halayn karo ayna ku amaanan yihiin ka xukuumad ahaan sida quruxda badan ee amniga dalka ay u adkeeyeen ayna tahay inay halkaas kasii wadaan.
