berberatoday.com
XUSUUS IYO WAAYO WERIYIHII JAMHUURIYA EE KA YAABSADAY MDAXWEYNE CIGAAL”Muxuu ahaa Cismaan M.Cismaan ?!!!” Qalinkii Cali Mahad Qormadii 1aad
April 7, 2025 - Written by admin
XUSUUS IYO WAAYO
WERIYIHII JAMHUURIYA EE KA YAABSADAY M/WEYNE CIGAAL
“Muxuu ahaa Cismaan M.Cismaan ?!!!”
Qalinkii Cali Mahad
Qormadii 1aad
Qaab dhismeedkiisa Jidheed jooga iyo dhererkiisa toosan, midabka cas, Timaha Jilicsan, Indhagashiga (Muraayada) xaraggada ee uu mar walba xidhan yahay Sanadihii 1995-96.
Qofka aan hore u arag wuxuu moodi lahaa Maalqabeen Carbeed oo “BAA CABDAAN ah.
Balse 10 Sano ka hor xiligaa dhowr Gu oo Cimrigiisa kamid ah ayuu kusoo qaatay dhufaysyadii Adkaa ee Meleteriga,
Saamiga waayuhuna wuxuu u dhiibay Haliso badan iyo saacado Naxdintooda lahaa
Oo Rasaastii Cadowgu kusoo Liishaamay ay qudha ka goysay Saaxiibo garbihiisa taagnaa.
Waana tirada yar ee kasii Nool Ardaydii Shaqada Qaranka ee ka hawlgashay Aagii Qaybtii 21aad.
Waayahii Colaada Soomaaliya iyo Itoobiya ay cirka maraysay, weeraradii gaadmada ahaa ee Ninkii GORGORna Jiidahaa loo mari waayey.
Saaxiibkaasi waa Cismaan Maxamuud Cismaan oo kamid ahaa Raggii aanu kawada tirsanayn Wargeyskii JAMHUURIYA.
Waana Jamaci la bilaabay mudadii daabacaada Jaraa’idku u gudbay Makiinada Offsetka oo ahayd 2.11.1995
Shaqada weriyenimo ee joogtada ah ka sokow wuxuu ahaa Qoraa soo saara Qormo Todobaadle ah Cinwaankeeduna ahaa DUNIDA HAWEENKA.
Waxa kale oo qori jiray mawduuc aad u xiiso badnaa waayahaasna si weyn loo Akhrisan jiray oo Magaciisu ahaa SAHAN.
Qoraagu wuxuu dhex lugayn jiray qaybaha Magaalada, waxaanu sharaxaad ka bixin jiray Xaalada dhabta ah ee Nolosha waayahaasi
Sicir barar si xawli ah u socda iyo Colaado Sokeeye ayaana Dalka ka taagnaa,
Weedhaha umadu kaga dareen celinayso marxaladaas ayaanu soo tebin jiray. Markuu Saacado dhex mara Suuqyada, Goobaha ganacsiga iyo meelaha Bulshadu ku kulanto.
Mararka qaarna intuu Barmaamijka ku dhex jiro wuxuu dhib kala kulmi jiray dad aad u kacsan oo Cadhada kula dhaca.
Mowduuca SAHAN waxa uu marar badan kashifay Galdaloolooyin ka jiray Adeegyada danta guud oo cidii u xil saarnayd dayacday.
Balse markii dambe ee uu shaac baxay Waxaa qasab noqotay iyadoo layska Ilaalinayo Qalinka SAHAN in wax badani Saxmaan.
Waayaha iyo maalmaha aanu wada hawlgalnay oo aad u badnaa.
waxaan weli xusuustayda ka bixin Subax dabayaaqadii Bishii Disembar ee 1996kii aanu ka wada qaybgalnay Aniga iyo Cismaan
Xaflad lagu Qaramaynaayey Ciidan Beeleed kasoo Jeeday Beesha Kaliil Isaxaaq (H/Yoonis) oo ka koobnaa 134 Askari iyo Gaadhi PG ah oo uu saarnaa Qoriga ZU 37 (Tarante Sate Laba dhuumood ah).
Xafladaas Oo ka dhacday Xerada Birjeex ee Hargeysa
Dhowr masuul oo ka tirsanaa Xukuumadii wakhtigaa iyo Odoyaashii Ciidan Beeleedka ayaana hadalka isaga Dambeeyey.
Gabagabadiina waxaa hadalkii u baxay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Xiligaas
C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal)
Hadal aad uga Cadhaysiiyey Ciidankii Anaga laftayadana naga yaabiyey ayaanu Wasiirkii ku yidhi Ciidankii
Hadalkaas oo ahaa La Soco..
May be an image of 3 people and text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews