Masuulkii Usareeyay Shirkada Laydhka Berbera oo Xabsiga loo Taxaabay Iyo Sababta
April 8, 2025 - Written by admin
Ciidanka Booliska Berbera ayaa xidhay Maxamed Xasan Gadhweyne oo ah masuulka hadda ugu Sareyey Shirkada BEC ee laydhka Berbera siisa ka dib markii ay diiday shirkadu inay bixiso lacagta cashuurta ah ay uqabtaan Wasarada Maaliyadda sida oo kale wax la sheegay in ay meesha ka saareen Lacagtii GST ee laga qaadi jiray dadka isticmaala Laydhka.
Ciidanka Booliska ayaa masuulkan ku soo qabta waran qabasho ah iyada oo la daydayo masuuliyiin kale oo shirkadaasi ka tirsan oo kamida saamilayda Shirkada.
Waxa xusid mudan inay shirkadan laydhka Berbera Ay saamilay ka yihiin ganacsatada waaweyn ee dalka sida Dahabshiil, Omaar, Maxamed Awsiciid Iyo rag kamida siyaasiyiinta Gobolka Saaxil udhashay oo qaarkood xilal dawladeed hayaan kuwo kalena Dhawaan xilalkii laga fadhiisiyay
Maamulka Warshada Laydhka ayaa tan iyo intii la wareegeen warshadani wax si wayn uga cawda bulshada reer Berbera taas loo lagu sababeeyo qiimaha laydhka oo qaali ah iyo adeega oo liita.