Booliska Hindiya oo Xabsiga Utaxaabay Nin Isu Eekaysiiyay Dhakhtar Ingiriisa oo Wadnaha Qala oo Dad Uu Qalay Dhinteen
April 12, 2025 - Written by admin
Booliska dalka Hindiya ayaa soo xidhay dhakhtar inta uu timaha kalar marsaday isku ekeysiiyay dhakhtar Ingiriis ah oo sameeya qalliimada Wadnaha.
Ninkan oo lagu magacaabo Narendra Vikramaditya, ayaa Mission Hospital uga howlgeli jiray magaca dhakhtarka caanka ah ee Dr N John Camm, isagoo fuliyay 15 qalliimo wadnaha ah oo todobo ka mid ah dadkaas qalliimada loo sameeyay ay geeriyoodeen.
Waxaa laga yaabaa dadkaas uu qalliimada u sameeyay iney ku jiraan dad Soomaali ah ee Alle haku amaansado.
Nasri Juka