“Muqdisho Iyo Laascaanod Waxay Isku Kordhinayaan Waa Xumaan Isaaq Iyo Xan Majeerteen, Labadaasina Midnimada Loo Loo Waashay Waxay Sii Fogayso Mooyaane Waxba Ka Tarimayso”Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje.
April 12, 2025 - Written by admin
“Muqdisho Iyo Laascaanod Waxay Isku Kordhinayaan Waa Xumaan Isaaq Iyo Xan Majeerteen, Labadaasina Midnimada Loo Loo Waashay Waxay Sii Fogayso Mooyaane Waxba Ka Tarimayso”Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje.
” Laab lakaca laascaanood wax wayn ayuu ina tarayaa ”.
Duruufaha Laascaanood wax wayn ayay ina taraysaa sidaan u arkayana waxba ina yeeli mayso , sababahan awgood .
1- Laascaanood sida Mogdisho inoo sheegato si la mid ah ayaynu u sheegan doonaa ,inta aynu mogdisho dhan u kala dhacaynana waynu kala lulan doonaa .
2- Marka xiga hadii laascaanood ahayd gol-jilic la inaga gujiyo la inaga damqo oo la inaga soo doca doceeyo maanta wax culaysa oo ay inagu haysaa ma jirto .
3- Mogdisho iyo laascaanood waxay isku kordhiyaan waa xumaan Isaaq iyo xan Majeerteen , labadaasina midnimada loo waashay waxay yeelaan mooyaane waxba tari maayaan .
Guud ahaan maxaa inala gudboon .
1- Laascaanood waa wado isku xidha Bari iyo galbeed , ahmiyadeeduna waa dariiqaa laamiga ah , laamigu ha iska xidhnaado .
2- Caasimadaha Ceergaabo iyo Caynaba hala dhiso hana loo soo jeesto .
3- Nabada halagu dadaalo , difaacna haloo toog hayo ,wixii ina soo danqaaba .