berberatoday.com
๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐›๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐‹๐š ๐’๐ก๐ž๐ž๐ ๐š๐ฒ๐จ, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐Š๐š ๐ƒ๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ฌ๐š.
April 15, 2025 - Written by admin
Kadib markii la ogaaday in Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu booqasho ku imanayo magaalada Laascaanood, Dawladda Somaliland waxay si degdeg ah ugu dirtay waraaqo iyo fariimo diblomaasiyadeed bulshada caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya. Somaliland waxay si cad u sheegtay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si ula kac ah u carqaladaynayso dadaallada nabadeed ee ka socda gobollada bariga Somaliland, isla markaana ay ku soo xadgudubtay xuduudaha Somaliland. Fariintan waxay gaadhay meelo badan oo muhiim ah, waxaana si gaar ah u la socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.
Si ay culaysyadan isaga yareyso, Dawladda Soomaaliya waxay qaadatay istiraatiijiyad marin-habaabin ah. Waxay dunida u sheegtay in Raโ€™iisul Wasaaruhu uu Laascaanood u tagay arrimaha nabadda iyo gaar ahaan sii daynta maxaabiista. Qorshahooda siyaasadeed waxa uu leeyahay laba weji:
1. In lagu qanciyo Firdhiye sii daynta tiro yar oo maxaabiis ah. Maxaabiistan sii dayntooda Firdhiye lagu qanciyey waa ilaa 20, waxayna u badanyihiin dad reer miyi ah oo meelahaa laga qabsaday, balse aan ahayn askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland. Ujeeddadu waa in dawladda Soomaaliya ku doodo in ay si degdeg ah uga shaqaysay nabadda, isla markaana Raโ€™iisul Wasaaruhu u tegay sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista. Waxaa intaa dheer, in socdaalka Xamse lagu xalaalaysto ujeeddo nabadeed iyo gargaarka maxaabiista.
2. In loo gudbiyo fariin diblomaasiyadeed Dawladda Mareykanka. Qorshaha labaad wuxuu yahay in Dawladda Soomaaliya ay u sheegto Mareykanka in wadahadallo ay u socdaan iyaga iyo Somaliland, ayna yihiin arrimo gudaha ah (โ€œinternal affairsโ€). Ujeeddadu waa in la carqaladeeyo dadaallada Somaliland ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah, gaar ahaan dhinaca Mareykanka, iyada oo Soomaaliya isu dhigayso in ay Somaliland ka taliso, maadaama ay arrimaha nabada iyadu ka shaqaysay.
Arrintani waa khatar weyn. Sida xogaha la helay tilmaamayaan, Dawladda Somaliland kama war haynin qorshahan maxaabiista ee la xidhiidha socdaalka Xamse. Dawladda Soomaaliya waxay isku deyaysaa in ay arrinta u eekaysiiso mid ay Somaliland ogolayd lagana wadashaqeeyey ilaa bilowgiiโ€”taas oo khatar gelin karta mowqifka Somaliland ee ah in aysan aqbalin faragelinta Muqdisho iyo imaatinka Xamse ee Laascaanood.
Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, qof reer Somaliland ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka (State Department) ayaa qorshahan la wadaagay siyaasiyiin iyo suxufiyiin reer Somaliland ah. Sida la xaqiijiyey, danjiraha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Washington ayaa u gudbiyey State Department-ka war sheegaya in wadahadallo ay u socdaan Somaliland iyo Muqdisho, islamarkaana arrinta Laascaanood qayb ka tahay geeddi-socodka wadahadaladaas. Ilaa hadda, xogta aynu hayno waxay muujinaysaa in arrintaasi tahay been abuur iyo marin-habaabin siyaasadeed oo qorshaysan.
๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ง ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ค๐š๐๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ง. ๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฅ๐š ๐ ๐ฎ๐๐›๐จ๐จ๐ง:
1: In si rasmi ah loola xidhiidho Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, laguna wargeliyo in qorshahaasi yahay mid aan Somaliland wax lug ah ku lahayn, islamarkaana socdaalkii Xamse aanu qayb ka ahayn dadaallada Somaliland iyo arrimaha nabada.
2: In la diido sii daynta maxaabiis tiro kooban ah oo loogu talagalay in lagu gudbiyo fariin diploomaasiyadeed oo Somaliland ka dhan ah. Haddii maxaabiis la sii daynayo, waa in ay noqotaa mid ku saleysan heshiis nabadeed rasmi ah oo dhex mara Somaliland iyo dadka deegaanka, ma noqon karto tiro kooban oo Dawladda Soomaaliya u jeedo ka leedahay.
Ibrahim Baqardhe
May be an image of 2 people and text

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews
 
 
 
๏ปฟ