Nairobi Gabadh Yar oo Libaax Ku Cunay Guri Udhaw Goob Xayawaanka Lagu Xanaaneeyo
April 21, 2025 - Written by admin
Gabadh yar oo 14 jir ah ayuu libaax ku dilay duleedka magaalada Nairobi, sida ay sheegtay Waaxda Duurjoogta Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KWS.
Gabadhan ayuu libaaxu kala baxay xaafad u dhow beerta lagu dhaqo xayawaanka ee Nairobi National Park, sida ay waaxdu sheegtay.
Qof ayaa dhacdadan la wadaagay KWS kadib markii uu arkay hadhaaga meydka gabadhan oo ardayad ahayd.
Libaaxa ayaan lagu raad jooga oo aanwali la helin balse KWS ayaa sheegtay inay dabin u dhigtay kooxaheeda baadhitaanada ay u dirtay si ay usoo helaan.