berberatoday.com
Gabadh Timaha Loo Xiirayo Iyo Gabadh Nin U Xiiraysa’ Dhaqammo Ugub Ku Ah Somaliland Oo Ay Culimada Dalku Ka Qayliyeen Wasaaradda Diintuna Go’aamo Ka Soo Saartay
August 16, 2016 - Written by Berbera Today
‘Gabadh Timaha Loo Xiirayo Iyo Gabadh Nin U Xiiraysa’ Dhaqammo Ugub Ku Ah Somaliland Oo Ay Culimada Dalku Ka Qayliyeen Wasaaradda Diintuna Go’aamo Ka Soo Saartay

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Oo Qoraallo Digniin Ah Oo Anshax Xumadan Lagaga Hor Tagayo Shalay U Kala Dirtay Gobolada Dalka

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ka hadashay Gabadh Fanaanad ah oo maalmihii u dambaysay Dalka ku sugnayd taasi oo ay wasaaradu ka hor istaagtay shaw heeso ah oo ay Hargeysa ku qabanaysay,waxa kale oo ay Wasaaradu ugu hanjabtay Raysalayaasha dalka ka hawlagala inay joojiyaan Xiirashada dhaqan xumada ee ka soo horjeeda Diinta Islaamka,waxa ay si gaar ah Farta ugu fiiqday Wasaaraddu Xiirashada Dumarka oo ku soo badanaysa Magaaladda Hargeysa iyo Gobolada Dalka,waxaanay qoraal ay arintaasi kaga hortagayso u kala dirtay Dhamaan Masuuliyiinta Gobolada Dalka.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Sheekh Cabdilaahi Axmed oo Shalay warfidiyeennada kula hadlay Xafiiskiisa ayaa waxa uu ugu horayn ka hadlay Gabadh Fanaanad ah oo ay ka joojiyeen Shaw heeso ah oo ay doonaysay inay Hargeysa ku qabato waxaana uu yidhi “Waxaad maqasheen in Maalin dhawayd ay Garoonka Hargeyska ka soo degtay Gabadh fanaanad ah,oo Nasteexo indho la yidhaahdo,Inantaa Fanaanada ahi waxa ay iclaamisay oo ay shaacisay Inay Shaw samanayso “Bandhig Faneed”,Ama Heeso,iyadoon wasaaradihii ay arintu khusaysay marin,Culumo shaw ay hore udhigtay Muuqaalkeedii wada oo ka ashkatoonaya ayaa noo yimid,Anaguna waanu la eegnay,Muuqaalo ay ku dhigtay Yurub iyo Qurbaha, Sawiradaasi oo runtii Sawiro anshaxa ka baxsan badankoodu ahaayeen,Sidaa darteed Wasaaraddu waxay go’aan ku gaadhay in Bandhigaasi la joojiyo,Waanay ku mahadsan yihiin Ciidamada Amaanku”.
Dhinaca kale waxa ay wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu amar ku soo rogtay dhamaan rayslayaasha Dalka ka hawlgala ee timaha Xiira,waxaanay ku amartay inay joojiyaan Xiirashada Anshax Xumada ah ee ka baxsan Dhaqanka Diinta Islaamka,waxa qoraal ka soo baxay Wasaarada oo lagu socodsiiyay Dhamaan Masuuliyiinta Gobolada Dalka lagu amray inay fuliyaan Qodobadan hoos ku Xusan.
1-inay Mamnuuc tahay in hab sharciga khilaafsan loo xiirto,Sida dhinaca oo la xiiro oo lakala dheereeyo,Iyo Madaxa oo wax lagu qoro.
2. Inay Mamnuuc tahay In Hablaha nin u xiiro ama Gabadhi u xiirto nin.
3. Inaan lagu arki Karin maandooriyayaasha Dhamaan Xarumaha Timaha Tima Jarayaasha.
4. Waa inuu leeyahay Liisanka Dawlada.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews