Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Qaaday Jid Ka Duwan Xukuumaddihii Hore Kadib Yagleelka Guddida Nabadda oo Umuuqata Mid Fur-furaysa Xadhko Loo Maaro Waayey.
April 30, 2025 - Written by admin
Xukuumadda Madaxweyne Cirro oo qaaday jid ka duwan xukuumaddihii hore kadib yagleelka Guddida Nabadda oo u muuqata mid Fur-furaysa xadhko loo maaro waayey.
Is dhaafsiga Maxaabiista Dagaal ee Somaliland iyo Puntland oo la filayo in uu Ibo fur u noqdo Maxaabista kale ku kala xidhan Laascaanood iyo Hargeysa marka laga imaado Hay’adda ICRC waxaa doorka ugu weyn ka qaadatay Guddida Nabadda Somaliland.
Hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee ku aadanaa in ay Somaliland diyaar u tahay Nabad iyo wada noolaashaha wadamada deriska ah ayaana isna la odhan karaa wuxuu isu soo dhaweeyey Puntland iyo Somaliland.
Dhan kale waxaa 24 kii saacadood ee ugu dambeeyey socda dedaalo Nabadeed iyo Daris wanaag waxaana xusid mudan in Guddida Nabadda ee Somaliland ay socdaal ku joogaan Magaaladda Jigjiga.
Salaadiinta Boqor Buurmadow iyo Suldaan ayaanle ayaa iyaguna Garoowe u jarmaaday halkaasi oo la filayo in ay sii xoojin doonaan dedaalada Nabadda iyo isu socoda raagay ee Shacabka Garoowe iyo gobolada Bariga Somaliland guud ahaan.
Guddidada Nabadda oo ah mid ku cusub Magacaabista Mudo xilideedyada Madaxweyne yaashi Somaliland soo maray ayaa u muuqata mid ay Xukuumadda cusubi ku macaashtay kagana duwan tabay Xukuumaddihii ka horeeyey.
Dawladda Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa Dagaalka wajiyada kala yeeshay ee Kooxda AS iyo Dhaqaale la’aan soo food saaray Ciidamadeedi ayaa u muuqata mid Dhanka siyaasada ula kacday is dhaafsiga Maxaabiistan maadama oo aanay meelnaba ka soo galin Wada xaajoodka iyo heshiiska Maxaabiistan lagula kala wareegay.