Degaamada Udhexeeya Berbera Iyo Hargeysa Oo Sibalaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Maareyaha Cusub Ee Dekeda Berbera+Daawo Sawirada
August 16, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shacabweynaha kudhaqan Deegaamada Jidka isku Xidha Degmad Laasgeel(Dacarbudhuq)iyo ilaa Berbera ayaa saaka soo dhaweyn balaadhan ku qaabilay Maareyaha Cusub ee Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo kasoo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimada ah.
Sidoo kalewaxa Maareyaha Cusub kaga hortagay deegamadaas shacab aad itira badan oo kamida shacaweynaha reer Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo aan ukala hadhin soo dhaweynta Maareye Axmed Yuusuf Dirir waxaanay dadkaasi soo dhaweynaayay Maareyaha Siteen sawirada maareyaha Cusub iyo caleemo qoyan oo ay ruxayaan,